Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Duqii Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo is-casilay.

$
0
0

Duqii degmada Gaalkacyo ee maamul Galmudug Bile Bashiir Ceynab ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii dowladda hoose ee degmada.

Munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu ka qeyb-galay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu Bile Bashiir Ceynab ku gudbiyay warqadda shaqo ka tegista.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku ammaanay Ceynab waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay, wuxuuna sheegay inuu aqbalay go’aanka is-casilaadiisa.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay inuu furan yahay tartanka qabashada xilka duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bile Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaramay mas’uulka bedelli doona inuu dhameystiro howlaha dowladda hoose ee degmada.

bashiir-300x225


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369