Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dhegayso:-Madaxweyne Xasan Sheekh “Hal habeen xataa Qandho ima qaban, Waa caafimaad qabaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu geeriyooday, isagoo ku eedeeyay kooxo cadaw ah inay wararkan faafiyeen, kuwaasoo doonaya inay qal qal geliyaan dalka iyo siyaasadiisa.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Raadiyaha dowladda ayaa waxaa uu sheegay inuu booqasho ku joogo dalka Turkiga, oo uusan aheyn mid rasmi ah, hase ahaatee uu yahay booqasho uu kula joogo qoyskiisa.

“Aniga Caafimaadkeyga waa boqolkiiba boqol, hal habeen xataa qandho ima qaban, wararka la been abuurayay waa kuwo qal qal lagu gelinayo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasada dowladda”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii warkan uu soo baxay ay la soo hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo dad Soomaaliyeed, waxaana uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan wararkan dad u shaqeeya cadaw sida uu yiri.

“Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Hey’adaha amniga inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad sida uu yiri.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
madaxweynaha_iyo_xaaskiisa

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa waxaa hareeyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu Madaxweynaha uu geeriyooday, waxaana wararkan ay noqdeen kuwo dal iyo dibad dadka jahwareer iyo walaac ku abuuray.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles