Ku Simaha Xilka Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlada Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay Dagaal Xalay dhexmaray Ciidamada Difaaca Dowlada Puntland iyo Xoogaga Xarakada Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada Degmada Galgala.
Ku simaha wasiirka Amniga Dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay ka war helleen kooxda Shabab inay is arursi ka bilaabeen ay sababtay inay dagaal ku qaadaan gacantana ay kaga dhigeen deegaanadii ay horay u joogeen,wuxuna sheegay ciidanku inay hadda wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii gacanta loogu dhigi lahaa haraadigooda oo xaafadaha Galgala ku dhuumaalaysanaya.
Hal askari ayuu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay balse ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo lagu sifaynayo kooxda Al-shabab, wuxuna hadalkiisa ku daray shacabka la’aantood inaan la shaqayn karin.
Khaliif Ciise ayaa la waydiiyay xiliga ay howlgalkan soo afjarayaan wuxuna sheegay inay wadi doonaan inta laga baabi’inayo kooxda Shabab oo mudo ka badan 3-sano ka dagaalamaysay buurahaasi.
Dowaladii Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa kooxda Al-Shaaab kula dagaalantey buuraleyda Golis taas oo sababtey in Puntland yeelato ciidamo la isku haleyn karo.
Dagaalkan ay ciidanka ku qaadeen Al-Shabab Galgala ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Puntland ka socoto xafladii caleema saarka taas oo wufuud badan kasoo qayb gashey.