Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdigii Maamulka Jubbaland oo Garoowe ka Dhoofay(Sawiro).

$
0
0

Waxa Gelinkii Hore ee Maanta ka dhoofay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlada Puntland Wafdigii Maamulka Jubbaland ee Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdi Maamulka Jubbaland ayaa Waxa  Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kusii Sagootiyey Madaxweynaha Puntland iyo Ku Xigeenkiisa.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo intii aanu  dhoofin Saxaafada Kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ayaa Waxa uu u Mahadceliyey madaxda Puntland iyo dhamaan shacabka sidii wanaagsanayd ee caasumadda loogu soo dhaweeyay,wuxuna sheegay Puntland iyo Jubbaland  inay yihin dad walaalo ah oo jecel ka shaqaynta midnimadda iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Ugu Dameyntii Madaxweynaha Dowlada Puntland oo asna dhankiisa Saxaafada kala hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin madaxda Jubbaland  kasoo qayb galka xafladooda caleema saarka,wuxuna sheegay inay wax badan oo u dhaxeeya labada dhinac kasii wada shaqayn doonaan.

IMG_4852 IMG_4854 (1) IMG_4854 IMG_4855 IMG_4858 IMG_4859 IMG_4865 IMG_4870 IMG_4871 IMG_4884 IMG_4888 IMG_4891 IMG_4880 IMG_4881

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles