Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xubintii Labaad oo ka tirsan Golaha Wasiirada Cusub oo is Casilay.

$
0
0

Xili si rasmi ah ay u soo dhamaatay dhisida Xubnaha Golaha wasiirda ee Ra”iisulwasaare Cabdi Wali uu shaaciyay  magacyada liiska cusub ayaa waxa soo ifbaxay is casilado ay sameynayaan qaar ka mida xubnihii lamagacabay waxaana ay ku andacoonayaan ama ay dhaliil ujediyay ra,isul wasaraha oo xubnaha golaha wasarida ee xukumada cusub Ku soo xulay habka 4.5.

Xildhiban Cabdi kaafi Macalin Xasan oo loo magacabay ku xigenka wasarada tamarta iyo biyaha ayaa kulan uu la qaday waxgaradka beesha uu kasoo jedo  ee Garre ka dib waxa uu shaaciayay in uu iska casilay xilkii loo magacbay ee wasiir ku xigenka wasarada tamarta iyo biyaha waxana xildhibanka oo ka hadlayay sababaha uu isku casilay uu cadalad daro ku tilmamay habka loo mareyay awod qaybsiga wasirada xukumada cusub.

Xidhbaanada iyo odoyaasha dhaqana ee Gobta ka haday ayaa soo dhaweeyey iscasilaada Cabdikaaf waxayna  dhaleen xubinta ku soo aaday beesha ay ka soo jeedaan oo ay sheegeen in ay filayeen muqaam halkaa ka sareeyo .

Mid ka mid ah odoyaashii dhaqanka ee madasha shirka ka hadlay ayaa tibaaxay in xulashada Rw iyo madaxweynaha aysan u cuntameynin  “sidaasi daaadeed ma qaadaeyno mana qaadan doono waana mid aan u cuntameynin beesha aan barlamanka u mataeyno “

Odoyaasha iyo Xidhibaanada ayaa sheegay n istiqlaalada ay la qabaan kuna raacsan yihin Go.aanka xidhibaan Cabdi kaafi Macalin Xasan  .

Golaha wasirada xukumada Somaliya oo muran iyo isqaqabsi farabadan ka dib ay suragashay in lagu dhawaqo ayaa durbadiba waxa kuso ifbaxay dhaliilo loo jeedinayo qaabkii loo soo xulay ka dib markii ay iscasilen xubno sheegay in aysan uqalmin xilalka loo magacabay .

Xubnaha xilalka iska casilay ayaa waxa ka mida gudomiyaha gobolka banadir ahna duqa muqdisho Maxamud Axmed Nuur tarsan oo loo magacabay wasir ku xigenka wasarada dhalinyarada iyo isbortiga waxana shirjara,id oo uu ku qabtay Muqdisho uu ku shegay in xilkasi loo magacabay uu yahay mid aan lagal tashanin isaguna usan diyaar u ahayn in xil uu ka qabtay xukumada uu hogamiyo ra,isul was are C/wali.

Xidhibaano Gare  (1)

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles