Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golihii Wasiirada ee Maamulka Jubbaland oo Maanta la Dhaariyey(Sawiro).

$
0
0

Munaasbad lagu dhaarinayay isla markaana lagu soo dhamaystiray golaha wasiirada maamulka Jubba ayaa maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Xaflada lagu dhaarinayay golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaal, salaadiin, siyaasiin masuulyiinta kala duwan ee maamulka Jubba ka tirsan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu magacaabay labo wasiir oo kala ah wasiirka Warfaafinta boostada, isgaarsiinta yo Gaadiid oo loo magacaabay Ibraahim Xassan Cabdi Baajuub iyo wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta oo isna loo magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed jowhar.

Waxaana wasiirada maanta la magacaabay iyo kuwo hore loo magacaabay iyo madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo.

Dhaarinta golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli xalay la magacaabay golaha wasiirada dowlada Federalka Soomaaliya.

_jubba_wasiiro_4




Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles