Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore Dr. Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa Maanta Safar ugu ambabaxey degaanada gobolka Nugal halkaasoo xoolo loogu qaybinayo dadkii dhowaan ay dhufatey dufaantu.
Booqashadaan oo la xiriirta qorshaha dib u xooleynta dadkii dhowaan ku cayroobey halkaas ayaa waxaa la qaybinayaa Toban kun oo neef.
Madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo horey uga qaybgaley munaasabad tan lamid ah taasoo dadkaas loogu qaybiyey 16000 neef ayaa xiligii dhibaatadaan dhacdey ku dhawaaqey in dadka ku cayroobey dufaantaas dib loogu celiyo duunyadii dhaaftey iyadoo laga hortagayo iney noqdaan reer guurgaas Qaxooti ah oo xeryo gala.
Munaasabada wareejinta xoolahaan ayaa waxa ay ka dhaceysaa Tuulada Qarxis oo dhinaca xeebta ka xigta degmada Dangorayo.
Safarka labada mas’uul ayaa waxaa ku weheliya Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland, ku-simaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo saraakiil kala duwan.
Mashruuca dib-u-xooleynta ayaa waxaa qayb libaax ka qaadanaya dadka Puntland oo isugu jira kuwa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku nool waxaana mas’uuliyada ururinta iyo qaybnita qaabilsan culimada Puntland.