Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay kaga doodeen mooshin ku saabsan in golaha Wasiirada cusub aan lagu soo dari karin xubin ka mid ah Xukuumaddii ay baarlamaanka kalsoonida kala laabtay.
Fadhiga maanta oo uu shir guddoominayay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari islamarkaana ajandaha kulanka uu ahaa labo qodob oo kala ah meel marinta hindise sharciyeedka hay’adda daraasaadka badaha iyo Shintiriska ay baarlamaanku ku shaqeynayaan sanadkan cusub, ayaa mudanayaal ka tisan baarlamaanka waxa ay guddoonka u soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in xubin ka mid ah Golahii Wasiirada ee ay baarlamaanku kalsoonida kala laabtay aan lagu soo darin golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisayo R/wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan ayaa baarlaamanka ka codsaday in laga dooddo mooshinkan, maadaama uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan in mudanayaashu ay aragtidooda ka dhiibtaan, waxayna xildhibaanada soo gudbiyay mooshinkan ay u cuskadeen in aysan xiligan habooneyn in Golaha Wasiirada cusub lagu soo darro Xukuumaddii kalsoonidii lagala laabtay oo ay kusheegeen in xubno ka tirsanaa Xukuumadaasi ay wax ka saxiixeen mooshinkii kalsoonida lagala noqday ee ahaa wax qabad la’aan.
Xildhibaanno kale oo iyana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid qalad ah oo wax u dhimaya muwaadinka Soomaaliyeed ee loo arko in markale xil loo dhiibi karo, iyagoo xusay in tani ay fara gelin ku noqoneysa R/wasaaraha cusub oo ku howlan soo dhisidda Xukuumad cusub oo tayo leh, waxayna ay soo jeediyeen in mooshinka dib loo celiyo.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta aan mooshinkaan loo codeyn karin, maadaama uusan kooramka dhameyn, waxaana uu sheegay in mooshinkaan cod la gelin doono maalinta Talaadada ah ee soo socota.
Ilaa iyo 50 xildhibaan oo ka hadlay kulanka ayaa ku kala aragti duwanaa mooshinkaan iyo meel marintiisa.