Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dhegayso:Prof.Juurile oo ka hadlay waxyaabaha horyaal Dr.Gaas.khilaafka Dowlada Soomaaliya iyo Pl iyo waxyaabaha lagu xasuusan doono Dr.Faroole.

$
0
0

juurile1Xildhibaan Prof.Cabdirisaaq Xasan Cismaan (Juurile) oo ka mid ah baarlamaanka dowladda dhexe ee Somalia ayaa si qoto dheer uga hadlay magacaabista madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr.CabdiwalI Maxamed Cali Gaas iyo arrimaha horyaale ee looga baahan yahay inuu qabto,halka uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Somalia iyo Puntland iyo waxqabadka lagu xasuusan doono madaxwaynihii hore CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Prof.Juurile oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia kasoo gala dhanka Puntland ayaa si faah faahsan u sheegay inuu jiro qodobo badan oo laga saaray dastuurkii lagu wada heshiiyay,kan hadda baarlamaanku uu ku shaqeeyana uu yahay mid uu gaargiisa u samaystay wasiirkii dastuurka Cabdiraxman Xooj Jibriil oo hada ah xildhibaan qaran,Juurile ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Cabdiwali Maxamed Cali inuu ku guulaysan karo in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ,kaasoo salka ku haya dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Madaxwaynihii xilka ka dagay ee Puntland Mudane Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole ayuu sheegay Xildhibaan Juurile in wax badan uu qabtay lagu xasuusan doona,isagoona tusaale usoo qaaday qabsoomida shirarkii dib u dhiska dalka ee Garowe iyo Gaalkacyo ka dhacay ,iyo muujinta barnaamijyo waxqabad oo hormar iyo guul usoo hay gayiga Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles