Jaaliyada Puntland ee dalka Holland Waxay Hambalyo iyo Bogaadin udiraysaa Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Puntland.
Dhamaan Jaaliyada dalka Holland oo uu Hormuud u yahay Gudoomiyaha Jaaliyada ee Dalka Holland Mudane.Daahir Siciid Cali(Kawir).
Gudoomiye Daahir ayaa Yiri”aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo Magaca Jaaliyada Puntland Waxaan ilaahay uga baryaynaa in Xilka Culus ee Loo Doortay Madaxweywe Cabdiweli uu Alle u Fududeeyo Lana Garab Gallo”
Gudoomiye Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Puntland Waxaan ka Codsanaynaa in uu Soo Magacaabo Golle Wasiiro ah oo Tayo Leh.
Ugu Dameyntii Gudoomiye Daahir Siciid Cali(Kawir) wuxuu Codsi udirey Dhamaan Shacabka Puntland Meel walba oo ay joogaan inay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub si dalka iyo dadkaba ay Horumar u Gaaraan.