Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Bosaaso oo Hub Laga Dhacay Maanta.

Iyadoo maanta madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey in la dhowro hantida dowladda, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in lala tegey gaadiid iyo hub badan oo ay dowladdu leedahay.

Gaadiid iyo Hub badan oo noocyo kala duwan ah ayaa maanta laga dhacay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Bosaaso.

Sidoo Kale  askar ka tirsan ciidamada madaxtooyada ayaa maanta jabsaday kaydka hubka madaxtooyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay dhowr qoryaha darandooriga u dhaca ah kala baxeen.

Askarta dhaca geystey ayaa waxaa iska-hor-imaad muddo kooban socdey uu dhex maray ciidamo kale oo iyaguna ka tirsan kuwa madaxtooyada, kuwaas oo kasoo horjeeday in la dhaco hubka dowladda.

Iska-hor-imaadkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo kamid ah kuwii jabsanayey kaydka hubka ee madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana intaas kaddib goobta soo gaarey lana wareegey ammaanka guud ee madaxtooyada ciidamada gaarka ah ee PIA-da.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli madaxweynaha -dhowaanta la doortay ee Puntland- C/weli Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey in la dhowro hantida dowladda, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda lagula xisaabtami doono hantida iyo qalabka yaalla xarumaha ay mas’uulka ka yihiin.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qasriga-Madaxtooyada


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369