Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nadwadii Ka Socotey Masjidka Xaaji Cali ee Magaalada Garoowe oo Gashay Habeenkii 3-Aad(Sawiro).

$
0
0

Nadwadii ka socotay masjidka xaaji cali ee magaalada garowe ayaa gashay habeenkeedii saddexaad ,caawa waxaa lagu lafa guray nadeada maxaadaro cinwaankeedu yahay CADDAALADDA ,waxaa soo jeediyay maxaadarada qaybteedii hore SHIIKH MUXAMMED MACALIM AXMED ,muxaadarada shiikha ayaa diiradda saarta saddex arimood oo kala ah

  • Qeexiidda macnaha caddaaladda iyo iftiiminta macnaheeda.
  • Qiimaha ahmiyadda ay leedahay caddaaladda.
  • Meelaha looga baahanyahay caddaaladda.

QEXITAANKA CADDAALADDA:

Waxaa loola jeedaa caddaalad dhexdhexaadnimo  iyo in qofkasta xaquuqdiisa uu helo xuquuqda dadkana laga helo.

TILMAAMAHA QOFKA CAADILKA AH:

SHIIIKHA ayaa  sheegay in ay muhimtahay in aan yeelano tilmaamaha dadka caadiliinta ah tilmaamahaas ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin kuwan:

v  Qof dhawrsoon oo aan dhacdhac badnayn kana dhawrsan wax kasta oo xumaan ah.

v  Qof madaxbannaan ilaashadana sharftiisa iyo dadnimadiisa.

v  Qof miisaaman oo kantarooli kara naftiisa xaalad kasta oo ku sugan yahay iyo cid kasta oo uu la tacaamulayo.

QIIMAHA CADDAALADDA:

shiiku isaga oo ka hadlayay qiimaha iyo meekhaanka caddaaladda ayuu sheegay in ay tahay caddaaladdu in

  • ilaah isku magacaabay iskuna sifeeyay,sidoo kale waxaa  uu ilaahay amar ku bixiyay qof kastana ka doonay in uu caddaalad sameeyo .
  • ay tahay Ujeedka ugu wayn ee aduunku ujiro waa in laga hirgaliyo caddaalad ,waanna tan diinta loo soo dajiyay.
  • ay tahay Waxa lagu gaarayaa jeclaanta alle ,haddii ilaahay raalli kaa noqdo kuna jeclaado aad helaysid dadka oo dhan inay ku jeclaadaan.
  • ay tahay  waxa lagu gaari karo meeqaan sare iyo sharf dhammaanteed.

Shiikha ayaa farriin ugu diray dadka xilaka danaynay raadinayana in ay gaaraan martabad sare in ay tahay caddaaaladdu furaha arrintaa lagu gaari karo isaga oo arrintaa ku adkeeyay nusuus farabadan iyo walibatusaalaayaal cadcad.

XAGGEE CADDAALAD LOOGA BAAHANYAHAY:

ü  Waxa ugu horeeya ee caddaalad kaaga baahan waa naftaada oo ladoonayo in aad dulmiga ka ilaalisid.

ü  meesha labaad ee caddaalad looga baahan yahay waa guriga iyo in lagu tarbiyeeyo qoyska caddaalad madaama uu yahy iskuulka inoosoo saaraya madaxda ina xukumaysa.

ü  waxaa caddaald looga baahan yahay in loo sameeyo agoonta iyo maxkamadaha dadka lagukala saarayo.

ü  in shacabka iyo dadka madaxda loo yahay loo caddaalad sameeyo, hadaba shiikhu isaga oo ka hadlaya sida ay shacabku caddaalad u helikaraan ayuu sheegay in bulshada laga rabo in ay ilaashadaan cadaaladdooda lana xisaabtamaan madaxdooda ,madaxdana laga rabo inay fahmaan in ay yihin adeega yaal  lagana doonayo inay ka soo baxaan shaqadooda.

shiiku waxa uu ka digay in xilka lagu doono hanti iyo in laboobo hantida dadwaynaha isaga oo sheega in qofka masuulka ahi la midyahay qof gacanta ku haya xoolo agoomeed ayna halistahay in la gacantogaaleeyo.

shiiku waxa uu tilmaamay ahmiytadda ay leedahay in la waaniyo lalana talaiyo madaxda iyaga oo laxasuusinayo caddaaladda ,waxa uuna soo raray tusaalayaal farabadan oo ah toloyin qaali ah oo lasiiyay madaxdii mauslimiinta.

maxaadarda qaybteedii labaad ayaa waxaa soo jeediyay shiikh daahir aw caabdi isga oo sheegay in isku xiran yihiin amniga iyo caddaaladda.

shiikh dahir ayaa sheegay in ay muhim tahauy in bulshada la  hagaajiyo si ay madaxdu u hagaagto ,meesha ugu muhimsan ee shaqadaa lagu qabanayana ay tahay masaajidka .

shiiku waxa uu ad keeyay in aan ka dheeraanno waxyaabo badan oo dulmi ah oo ka dhaca bulshada  dhexdeda o ay ka mid tahay isquursiga iyo boobka hantida dadwaynaha.

DSC02618 DSC02619 copy DSC02624 DSC02625 copy DSC02636 DSC02637 DSC02641 copy

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles