Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra’iisul Wasaaraha cusub C/wali iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid oo maanta xilalka La kala wareegaya.

$
0
0

Munaasabad uu xafiiska kula wareegayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhici doonta Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu si rasmi ah xilka u wareejinayo.

Qaban qaabada xaflada xil wareejinta ayaa ka socota Madaxtooyada, waxaana lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan Madaxda dowladda, mas’uuliyiin iyo marti sharaf, waxaana Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo xafiiska sii hayay ka ahaa tan iyo markii Baarlamaanka uu kalsoonida kala laabtay 2-dii bishan.

Inkastoo aanu wali Ra’iisul Wasaaraha cusub la wareegin xafiiska, hadana waxaa uu shalay mar uu kormeer ku tagay Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid, halkaasoo uu ku shaqeyn doono Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa marka uu Xafiiska la wareego waxaa lagu wadaa inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada, oo ka badnaan doona Wasiiradii hore, waxaana indhawaalaba uu waday wada tashiyo uu la yeelanayay Xildhibaanada iyo qeybaha bulshada.

Munaasabada xil wareejinta ee maanta ka dhici doonta Xarunta Madaxtooyada ayaa noqoneysa tii u horeysay ee si rasmi ah ay Ra’iisul Wasaare uu xafiiska kula wareego, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ka baxday Kumeel Gaarka.

1536476_10151811757036711_908502255_n

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles