Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta ku heshiiyay inay ka tanaasulaan arrintii la isku hayay ee ahayd guddiga xalinta khilaafaadka ee uu Madaxweyne Faroole soo magacaabay.
Shirkooda waxaa kasoo baxay baaq afar qodob ka kooban oo ay ku sheegayaan inay raali ka yihiin guddiga xalinta khilaafadka ee dowladdau ay magacowday iyo in guddiga howsha wadaa ay kor kala socdaan guddi Isimo ah.