Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Duqa Degmada Bosaaso oo Dhagax dhigay Wado Laami Ah(Sawiro).

$
0
0

Duqa Degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan Ayaa Maanta dhagax dhigay Wado Cusub oo Laami la Saarayo.

Munaasibadda wadadaan laamiga laga dhigayo lagu daah-furayay oo magalada lagu qabtay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta mamulka Gobalka Bari,kan degmada Bosaaso iyo dadwayne kale oo aad ugu faraxsanaa in si wayn looga shaqeeyo hormarka iyo bilicda caasumadda ganacsiga Puntland.

Dheerarka wadadaan ayaa lagu sheegay inuu dhan yahay 1.250-M,waxana uu qayb ka yahay qorshaha hormarinta degmooyinka Puntlond ee la yiraahdo JPLG,dhaqalaha ku baxaya waxaa iska kaashaday dowladda Puntland,dowlada hoose ee Bosaaso iyo Hay’addo QM ka tirsan.

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan ayaa sheegay in Wadadan ay muhiim u tahay Bilicda,amaanka iyo dhaqaalaha dalka.

‘’Wadadan waxay ka mid tahay Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada,waa wadada magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha isku xirta,wadadan waxay noqon doontaa Wadadii shanaad ee intii maamulka degmada aan joognay laga sameeyay”Ayuu yiri Xassan Cabdala Xassan.

Xasan Cabdalle ayaa xusay inay ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa hormarka magalada Bosaaso,madama ay tahay hooyadda ganacsiga Puntland,wuxuna xusay sanadka cusub inay sidoo kale bilaabi doonan wadooyin hor leh.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay hagaajinta wadooyinka halbowlaha u ah dadka iyo gaadiidka,wuxuna sheegay inay wax badan ka badali doonto wadadaan habsami u socodka ganacsiga Gobalka Puntland.

12_10 14_7 166 177 7k


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles