Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

War Deg Deg Ah:Xildhibaanadii Baarlamaanka Puntland ee Beelaha Dishiishe oo Lasoo Xuley.

$
0
0

Xildhibaanadii Baarlamaanka Puntland ee Beelaha Dishiishe ayaa  Lasoo Xuley.

Gudi isugu jirey Siyaasiyiin,Isimo iyo Ganacsato Loo Xilsaarey soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka Puntland  ee Beesha Dishiishe ayaa ku Guuleystay Soo Xulista Xubnihii Beesha uga Mid Noqon Lahaa Xildhibaanada Cusub ee Dowlada Puntland.

Soo Xulista Xubnahan ayaa qaadatay Mudo Dheer ka dib markii  ay Walaac Muujiyiin qaar ka mid ah Beelaha Dishiishe.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa qalinka ku duugay Xildhibaanadaas waxaynka kala yihiin Sadexda  Xildhibaan ee Magacyadoodu Hoos ku Xusan Yihiin:-

1-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ismaaciil  oo ah aqoon yahan kasoo jeeda Beelaha  Dishiishe Gaar ahaan Beelweynta Makadoor/Reer Boqor.

2-Xildhibaan Gaacshe Maxamed Axmed(Gaacshe Garweyne) oo isna kasoo Jeeda Beelaha  Dishiishe Gaar Ahaan Beelweynta Bahiwadaag/Reer Ugaas.

3-Xildhibaan C/risaaq Siciid Aadan oo isna kasoo Jeeda Beelaha  Dishiishe Gaar Ahaan Beelweynta   Reer Xaaji/Reer Muuse.

Dhamaan Xildhibaanada xilkaas ku guuleystay ayaa loo hambalyeeyey waxaana lagula dar-daarmay inay xilkooda si muwaadinimo ah oo masuuliyad ku jirto u gutaan.

Waxaa xusid Mudan in Qofna uusan kasoo Noqon Xildhibaanadii Hore ee ay Beeshu  ku lahayd Baarlamanka Puntland.

war-deg-dega12


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles