Paris, 06 December 2013 – Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Marwo Fowzia Yusuf H. Adam ayaa maanta tacsi u dirtey Shacabka South Africa iyo dhamaan Afrikaanka geeridii Nelson Mandela isla markaana sheegtay inuu calaamad weyn u ahaa Midnimo Qaran, Nabadeyn iyo Dib-uheshiisiin oo Soomaaliya cashar weyn u ah.
“Maanta magaalada Paris oo aan wada joogno Madaxda Afrika, Madaxweynaha France, Madaxda QM, AU iyo EU waxaan wada xuseynaa taariikhdii Wiilkii ugu muhiimsanaa Africa oo xalay geeriyooday: Nelson Mandela waxuu ahaa Xornimo iyo Xaq u dirir, si hagar la’aan ahna caddaalad u dagaalamay, waxuuna ahaa iftiinka bani’aadanimo ee adduunka.“
“Soomaali ahaan Mandela waxuu ahaa calaamad weyn oo Midnimo Qaran, Dib-u-heshiisiin iyo Nabadeyn oo Soomaaliya ay si aad ah ugu baahantahay nalooga baahanyahay inaan khilaafkeena xalino oo aan danta guud iyo wanaaga ka zada-shaqeyno. Madaxda Afirka oo shir u wada joogta Paris kana wada hadlaya amniga iyo Nabadda oo la oran karo Mandela waxuu taariikh weyn ka sameeyey Nabadeynta oo aan wada xuseynaa.”
Soomaalida waa inay muraayad isku fiiriyaan oo waxii uu dalkiisa u sameeyey Mandela aan wada sameynaa:
“ Dhabtii ayaa ah haddii aan cashar ka baranno Mandela bacdamaa khilaaf, dagaal iyo collaado aysan xal noo keeneynin, waa inaan Midnimo Qaran u wada tafoxeydanaa. Maanta waxaan ka soo gudubnay 23 sano oo collaado joogta ah, oo aan hourmar ballaaran sameynay, hadda waa inaan ka wada shaqeynaa Soomaaliya oo nabad waarta hesha.”
Wasiir Fowzia ayaa maanta la kulantay Madaxweynaha Fransiiska François Hollande oo Shir guddoominayey Shirkii maanta ee Paris oo 53 dal ay ka soo wada qeybgaleen.
– DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)