Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magalada Garowe si ay uga qayb galaan xuska qowmiyadda dega wadanka Ethiopia oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Jig-jiga.
Dr. Farole oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay inuu qorshaysanaa safarkaan mudo bil ka hor ayna xuskaasi ka qayb gali doonan, wuxuna tilmaamay xuskaasi oo ay kasoo qayb galayaan inta badan dowladdaha Africa inuu kulamo la yeelan doona madaxda Ethiopia iyo kuwo kale ee ka qayb galaya.
Waxa uu sheegay safarka ay hadda ugu anbo baxeen dalkaasi inuu yahay mid adag oo Puntland ku jirto xaalad xasaasi balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dib ugu soo laaban doonan magalada Garowe
Waxa uu soo hadal qaaday madaxweynuhu qaraxii shalay ka dhacay Bossaso oo uu sheegay in laamaha amaanka ay aqoonsadeen ninkii fuliyay oo lagu magacaabo Axmed Ibraahim Axmed Aadan kana soo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe.
Umumadda Puntland ayuu Farole ugu yeeray midnimo iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan cadawgooda.
Magalada Jig-jiga xarunta DDSI ayaa lagu soo waramayaa in la adkeeyay ammeenkeeda maadama lagu qabanayo xuska Qabiilada dega dalkaasi oo sanadkiiba hal mar la xuso.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |