Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Maxamed Warsame (Feysal).

$
0
0

Muqdisho, December 6, 2013 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhammaan xildhibaanda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Marxuum Maxamed Warsame (Feysal) oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa inaa Illaahu raajicuun, Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE ka baryayaa inuu Samir iyo Iimaan uu naga siiyo marxuum Maxamed Warsame , isagana uu janaddii EEBBE ka waraabiyo. Dhammaan eheladdii, asxaabtii iyo xildhibaanadaba waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, innagana aan u soo wada duceyno in Illaahey uu janadii fardowsa ka waraabiyo.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amray Hey’adaha amniga in ay sida ugu dhaqsaha badan war uga keneen sababaha ka dambeeyey qaraxa lagu dilay xildhibaanka isagoona umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka ah ee bartilmaameysanaya Masuuliyiinta Dowladda iyo dhammaan shacabka Soomalaiyeed.

IMG_7912


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles