Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golihii Wasiirada ee Maamulka Jubba oo Goordhowayd Lagu Dhawaaqay.

$
0
0

Golihii Wasiirada ee Maamulka Jubba ayaa Goordhowayd Lagu dhawaaqay.

Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa Akhriyay magacaabista qoraalka kasoo baxay xafiiska Axmad Madoobe, xafladii lagu soo bandhigay magacyada qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda Maamulkaasi oo gaaraya ilaa 8 Wasiir, qaar kalena dib laga soo magacaabi doono.

Wasiiradda la magacaabay

1 Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubba ayaa waxaa loo magacaabay Suldaan C/qaadir lugadheere.

1:Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid

2:Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac

3:Wasiirka Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)

4:Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow

5: Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)

6: Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)

7: Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo loo yaqaano Abuu Yuusuf.

8: Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.

Afhayeenka maamulka Jubba wuxuu sheegay in weli ay harsan yihiin Wasiiro kale iyo Wasiiro ku xigeeno iyo Agaasimayaal aan wali la magacaabin balse dhawaan lasoo dhameystiri doono.

image-8bb715d516e26dce45ea4998f96395eb5ea451b1c51cc1a239cc8ca1e8b0fb83-V

Afhayeenka_RK_Seeraar

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles