Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel xasaasi mareysa iyo ilaa 20 Xildhibaan oo hartay inay hadlaan.

$
0
0

Waxaa wali socda Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka leeyihiin mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo Xildhibaanadu ay aad u kala aragti duwan yihiin.

Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa mararka qaar ka dhacaya buuq, marka Xildhibaan uu hadlayo, waxaana muuqata in marka uu hadlayo Xildhibaan laga daba orinayo, hase ahaatee Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka codsanaya Xildhibaanada inay si degenaan u dhageystaan oo aysan buuqin anshaxana ilaaliyaa.

Ilaa 20 Xildhibaan ayaa hartay, waxaana hadlay sodomeeyo Xildhibaan, kuwaasoo badankood aad u dhaliiliyay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid uu hogaamiyo, iyagoo ku sifeynayay mid fashilantay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii hadashay ayaa dalbaday in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul Wasaaraha oo la eryo.

Dooda ayaa marba marka ka dambeysa sii kululaaneysay, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka la filayo inuu hadlo marka ay soo gaba gaboobaan khudbadaha Xildhibaanada ay jeedinayaan.

Warar qaar ayaa sheegaya in hadii ay dooda soo dhamaato waqti fiican in laga yaabo isla maanta cod loo qaado Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa go’aanka uu qaadan doono in maalinta berri dib loo dhigayo iyo in maanta cod loo qaadayo.

Kulanka-Baarlamaanka-Maanta-371


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles