Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra”iisulwasaare Saacid oo Xilkii Laga Qaaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaare Saacid, kadib saddex maalmood oo uu Baarlamaanka dood kulul ka lahaa mooshin laga keenay Xukuumada.

Kulanka maanta oo ay soo xaadirtay 249 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah oo uu Gudoonka Baarlamaanka geliyay mooshinka ayaa waxaa 184 ay u codeysay in kalsoonida lagala noqdo, halka 65 xildhibaan ay diiday.

Xildhibaanada oo fadhiyay kuraas ayaa si saf saf u codeynayay, iyadoo howl wadeenada Baarlamaanka ay si degenaan ku jirta u tirinayeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari ayaa sheegay in mooshinka uu gudbay oo uu ansax yahay, isla markaana Xukuumada ay dhacday, isagoo sheegay in Madaxweynaha ay ka sugayaan inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Prof, Jawaari ayaa sheegay in sida uu qabo dastuurka Ra’iisul Wasaaraha la eryay iyo Wasiiradiisa ay sii heyn doonaan ilaa laga soo magacaabo Ra’iisul Wasaare iyo Wasiiro cusub

Gudoonka Baarlamaanka ayaa si taxadar leh u wajahay dooda iyo tirinta cododka, iyadoo si wanaagsan uu ku soo gaba gaboobi cod bixinta oo aanay jirin wax buuq iyo saluug intaba.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu qabanayo shir jaraa’id uu ku faah faahinayo qaabka ay u dhacday dooda iyo natiijada ka soo baxday Baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada Xukuumada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow shir jaraa’id qabanaya oo uu kaga hadli doono natiijada Baarlamaanka iyo kalsooni kala noqoshadii Xukuumada.

Mooshinkan ayaa sabab u ahaa khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha soo kala dhex galay labo todobaad ka hor, waxaana xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku eedeeyeen in mooshinka laga soo abaabulay Xafiiska Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay oo uu Baarlamaanka uu eryo Ra’iisul Wasaare uu sanad ka hor kalsoonida siiyay, iyadoo tani ay soo afjareyso khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
guddoonka-baarlamaanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369