Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Doodii Mooshinka Xukuumada RW Saacid oo Maanta Lasoo Afmeerayo.

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo afmeeraya ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo laga yaabo in marka ay soo dhamaato dooda Xildhibaanada in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo shalay ilaa sodomeeyo Xildhibaan ay hadleen ayaa maanta waxaa la filayaa inay hadlaan ilaa kontameeyo Xildhibaan oo ka mid ahaa 83-dii xildhibaan ee is qortay inay mooshinka ka doodaan, waxaana kulanka maanta uu yahay mid aad uga adag kulankii shalay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ah kuwo aad u kala aragti duwan, iyadoo kulankii shalay ee dooda xildhibaanada uu ahaa mid mararka qaar buuq hareynayay, iyadoo Gudoonka uu aad ugu mashuulsanaa xakameyntooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa shalay sheegay in maanta la soo gaba gabeyn doono dooda, isagoo weydiistay Xildhibaanada inay ugu dambeyn soo xaadiraan inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 10-ka subaxnimo, si dooda ay u bilaabato waqti fiican.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo horjeeda Ra’iisul Wasaaraha ayaa doonaya in maanta codka kalsoonida loo qaado marka uu dhamaado doodo, hase ahaatee Gudoonka Baarlamaanka ayaa wali ka jawaabin war saxaafadeedkii shalay ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa shalay sheegay in Xukuumadiisa ay ku adkeysaneyso in fursad la siiyo, si ay isugu difaacdo, kadib markii shalay Xildhibaanada ay diideen in dooda uu ka soo qeyb galo Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana is difaaco.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maalintii 3aad uu xiran yahay wadada horu marta Golaha shacabka, halkaasoo ciidamo fara badan la soo dhigay.

Kulanka maanta ayaa si gaar ah waxaa isha loogu hayaa natiijada ka soo bixi doonta, waxaana fadhiga baarlamaanka uu maalmahan yeelanayay uu ahaa mid aad uga duwan kulamadii hore, maadaama horay ay u soo xaadiri jirtay ilaa ku dhowaan 160 xildhibaan, halka maalmaha mooshinka laga doodayo ay soo fariisanayaan in ka badan 250 Xildhibaano.

guddoonka-baarlamaanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles