Jeneraal Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilantay inay qaado isbaarooyinka yaala gobolada dalka gaar ahaan shabeelada hoose.
DhegaBadan oo mar soo ahaa abaanduulihii ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose ay daadsan yihiin isbaarooyin kala duwan oo u taala rag ku lebisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.
Jen.Dhegabadan Ayaa Yiri”Sidii xilka laga iiga qaaday xaalka dalka Soomaaliya ma fiicna”
Kooxahan hubeysan ayaa hogaamiyaha wuxuu ku tilmaamay kuwo aan ka amar qaadan dowlada,Balse magacooda ku qaraabta.
Jeneral Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa ka gaabsaday mar wax laga weydiiyay arimaha amaanka isagoona ugu baaqay xukuumada inay u soo jeensato amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.