Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka KMG ahaa oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe ay dhacayeen dhibaatooyin kala gedisan oo loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Dalka inta Dowladda ay gacanta ku hayso waxaana uu sheegay in Dhibaatadaasi ay tahay waxa laga xumaado maadaama Muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay in aan Xadgudub lagu sameynin isla markaana Mas’uuliyadaasi ay qaadaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ayna ku fashilantay Xasilinta Amaanka Muqdisho.
Salaad Cali Jeele oo mar soo noqday Wasiir ku xigeenkii Difaaca ee Xukuumadihii KMG ahaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Amaanka uu noqday mid faraha ka siibaxaya maalinba maalinta ka dambeysa, Dowladdana ay awood buuxda u laheyn inay Xakameyso Amniga Magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeele oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanadii KMG ahaa oo soo hadal qaaday waxyaabaha salka ay ku hayso Amni darrida sii baaheysa ee ka jirta Magaalada Muqdisho isla markaana sharaxaad buuxda ka bixiyay ayaa waxa uu ku sababeeyay inay Mas’uuliyadeeda leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha gaar ahaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu ku eedeeyay inuusan laheyn Aqoon ku aadan dhanka arrimaha amaanka la xiriira iyo Sidoo kale Saraakiisha Hay’addaha Amaanka waxa uuna tilmaamay in wax haba yaraatee Aqoon uusan u laheyn Arrimaha Amaanak taasina ay keentay in Amaanka uu noqdo Mid faraha ka sii baxa maalinba maalinta ka dambeysa.
Salaad Cali Jeele oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Dowladda baqdin xoogan ay soo wajahday taasina ay calaamad Cad ay u tahay Dhagxaanta Difaaca oo ay soo dhoobeen qeybo kamid ah Wadooyinka mara Magaalada Muqdisho isla markaana taasi aan lagu adkeenkarin amaanka Magaalada Muqdisho.
Sikastaba hadalka Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu imaanaa xili muddooyinkii dambe weeraro iyo Dilal Qorsheysan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya.