islamarkaana lagu soo afjarayay Barnaamijkii Kediska Ramadaanka SBC laguna tartan siinayay labada xaafadood ee u soo baxay wareega kama dambeysta ama Finalaha.
Masuuliyiinta Degmooyinka Boosaaso iyo Qardho Xasan Cabdala Xasan iyo Maxamed Siciid Ciise Hogaamo oo ay laba xaafadood oo ka kala tirsan labada degmo ay fooda isdarayee, gudiga Tartanka Kediska SBC, Maamulka iyo Wakiilada Shirkadaha Maalgelinayay Barnaamijka, Maamulka SBC iyo boqolaal dadweyne iyo taageeroyaal ayaa ku sugnaa xaflada lagu soo gaba gabeynayay Tartanka.Labada xaafadood ee tartanka isku soo haray oo kala ahaa Rixiis Boosaaso Vs Xorgobole Qardho ayaa iyaguna goobta ku sugnaa waxaana ka muuqday u diyaargarow tartan iyo qurux farxadeysan inta aanu bilaaban tartankooda.
Ka dib Furitaankii xaflada Aayadaha Quraanka ka riimka ah, waxaa looguda galay xafladii iyadoo lagu soo dhaweeyay gudiga tartanka Barnaamijka Kediska SBC, oo ka dib faah faahinta intii uu socday Barnaamijka ku dhawaaqay in uu bilowday tartanka Finle-ka ah ee dhexmari lahaa xaafadahan goobta ku wada sugan.
Waxa uu u sharaxay Qaabka tartanka Gudoomiyaha Tartanka SBC Sheekh Liibaan Mashruux isagoo u sheegay tartamayaashii labada xaafadood iyo taageerayaasha meesha ku sugnaaba in xaafadkasta ay leedahay mid 5 su’aal 2 ka mid ahina loo qeybin doono kuwaas oo ahaa su’aalo qur’aan aqris ah, 4ta kalese ay ahaayeen su’aalo isugu jiray Suugaan, Juqraf iyo IWM, waxayna ku jireen bushqado ay xaafadiba qabsaneysay loona aqrinayay hadba su’aashii uga soo baxda.
Waxa uu tartanku ku bilowday si xamaasadeysan iyadoo ay soo bandhigeen labada xaafadoodba tar tan aqooneed aad u sareeya iyago kaga jawaabayay su’aalaha la weydiinayo mudo daqiiqado 3 ah gudahood.
Wuxuu tartanku socdaba waa uu soo idlaaday, waxaana ku dhawaaqay Guusha Tartanka Cida ay raacday noqotayna xaafada Horyaalka Sanadka Gudoomiyaha Kediska Ramadaanka SBC Shekh Liibaan Mashruux isagoona sheegay in tartankii la qabtay ay guushii ku raacday Xaafada Rixiis Boosaaso, .
Farxad iyo Damaashaad, ka dib waxaa bilowday khudbadihii halkaas ay ka soo kala jeedin lahaayeen Masuuliyiintii ku sugneyd iyadoo ugu horeyn uu ka hadlay Agaasimaha Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC Maxamed Deeq Cabdalla.
Agaasime Maxamed Deeq Cabdlaha ayaa ugu horeyn hambalyo u Diray Tartamayaasha iyo dadweynaha Xaafada Koobka qaaday ee Rixiis Boosaaso, xaafada kale la tartameysay ee xorgoble Qardho si lamid ah, una sheegay in la tartamay balse uu nasiibku ka raacay Xaafada kale.
Waxa uu Maxamed Deeq ka warbixiyay Intii uu socday Barnaamijka Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray isagoo sheegay in uu ahaa barnaamij xiiso badan, Xaafadihii ka soo qeyb galay ee 16ka ahaana ay siweyn ula shaqeeyeen gudiga Kediska iyo Hay’ada SBC Mahadcelinna u jeediyay.
Mar uu ka hadlayay Qorshaha Sanadka Soo socda ay ka leedahay Hay’ada SBC barnaamijkan ayuu sheegay in uu yahay mid sareeya oo la tashigiisu iminka soconayo, qorshahaasina uu yahay in loo bedelo degmooyin halka iminka uu ka yahay xaafado, balse ay la tashan doonto SBC dhamaan shacab iyo masuuliyiinba.
Halkaas waxa uu kaga dhawaaqay Agaasimuhu Horumar xoogleh oo la gaarsiinayo Bilaha ugu soo horeeya goobaha laga maqlo Idaacada SBC isagoo tilmaamay in Qalab weyn oo isku xira Gobolada Puntland ay dhowaan soo dejisatay SBC sida ugu dhaqsiyaha badanna ay Hawada gelindoonto.
Waxaa xigay oo lagu soo dhaweeyay Microphone-ka Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan, waxaana ugu horeyn hambalyo u diray Xaafada ka soo jeeda Degmadiisa ee Koobka qaaday iyo xaafadaha kale ee kala galay kaalimaha 2aad iyo 3aad.
Waxa uu u mahad celiyay Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC iyo Shirkadaha ka qeyb qaadanayay Barnaamijka Maalgelintiisa, waxaanu tibaaxay in Tartanka iyo shaqada adag ee ay u qabteen Dadkooda uu yahay mid u horseedaya Dalka Horumar, ka hor joogsanaya dhalinyarada ku dhiirashada waxyaabaha amni darada ah, Tahriibta iyo weliba waxyaabo kale oo aan u wanaagsaneyn.
Duqa Degmada Qardh Maxamed Siciid Hogaamo ayaa isna xigay Duqa Boosaaso isagoona halkaasi ka jeediyay Khudbad cajiib aheyd oo in badan dadkii xaflada ku sugnaa ka qoslisay.
Duqu Waxa uu u hambalyeeyay Xaafada Rixiis ee Horyaalka qaaday, isagoona u sheegay in xaafadiisa ay tahay xaafada kale ee laga badiyayna waa xorgoblee ay tahay xaafadiisa kale iyo degmada uu kayahay gudoomiyuhu,
Warbaahinta SBC ayuu tilmaamay in ay tahay Warbaahinta Hooyada u ah warbaahinada Puntland ayna tahay Idaacadii ugu horeysay ee iskumar ka howlgasha iyadoo aan idaacadna jirin gobolada Puntland.
Duqa Qardho waxaa lagu xusuustaa Kaalintii Baahsaneyd ee uu ka qaatay intii uu tartanku socday isagoo mar walba la garab taagnaa gudiga iyo xaafadaha tartamayay gaar ahaan Xaafadaha qardho taageero dhinac kasto ah.
Waxaa iyaguna goobta ku sugnaa Qeybaha kala duwan ee Isimada, ururada Bulshada iyo Haweenka gobolka.
Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago ayaa goobta ka amaanay SBC iyo xaafadaha tartamay Hambalyana u diray xafaada koobka qaaday.
Khadra Dhuungale oo ah Gudoomiyaha Haweenka Degmada Boosaaso kuna hadleysay Magaca Haweenka ayaa iyaduna meesha ka amaantay SBC sheegtayna ka haween ahaan in ay si aad ah u soo dhaweyneyso tartanka kediska inkastoo aanay ka qeyb qaadan balse ay rajeyneyso sanadka soo socda in ay kaalintooda ka qaadan doonaan.
Waxaa iyaguna xigay oo lagu soo dhaweeyay Microphone-ka Sharikadaha sanadkan ka qeyb qaadanayay Maalgelinta Barnaamijkan Masuuliyiintii halkaasi ka joogtay, waxaana shirkadahasi ka mid ahaa,, Shirkada Ganacsiga guud ee Towfiiq, Shirkada Golis, Xalwo Kismaayo, Horyaal Printer iyo Shirkada mac macaanka Mubarak Carmo.
Dhamaantood waxay halkaasi uga hambalyeeyeen xaafada koobka qaaday una mahadceliyay qaban qaabadii gudiga kediska iyo Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC ay u qabteen xafladan gaba gabada u aheyd barnamijka.
Afka Gudiga Tartanka Kediska SBC ayaa waxaa ku hadlay Xogeynta guud ee Gudiga Tartanka SBC Al ustaad Ayaanle Khaliif Faarax, waxaanu faah faahin balaaran ka bixiyay shaqada gudiga iyo sida ay ilaa iyo dhamaadkiisan ugu taagan yihiin xubnaha gudiga.
Gabagabadii waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay xaafadaha kala galay kaalmaha ugu horeeya Tartanka iyo aqoonta iyagoo gacanta ka geliyay bilado iyo Shahaadooyin Masuuliyiintii goobta ku sugneyd.
Xaafada kaalinta koobaad gashay Rixiis Boosaaso, waxaa ay gudoontay Koobkii kaalinta 1aad , Shahaado Sharaf iyo Cheque ay ku qoran tahay lacagta Abaalmarinta kaalinta Koobaad oo ay ugu talagaleen Shirkadaha Barnaamijka maalgelinayay iyo Hay’ada SBC.
Xaafada gashay kaalinta 2aad ee Xorgoble Qardho, waxa ay gudoontay Koob kale oo loogu talagalay Kaalinta 2aad, Abaal marin lacageed iyo Shahaado sharaf , halka kaalinta 3aad oo ay gashay xaafada Goljano Waaciye ay qaadatay Shahaado Sharaf iyo Abaal marin.
Waxaa iyana goobta lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin sharaf Sharkadihii Maalgelinayay Barnaamijka, iyo Gudiga Tartanka SBC waxaana gudoonsiinayay Masuuliyiintii goobta ku sugnayd.
Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Tartanka KEdiska.
Waxaa xusid mudan in goobta ay ku sugnaayeen Warbaahino kala duwan, Tv-yada Caalamiga ah sida, SomaliChennal Tv, Royal Tv, Kalsan Tv iyo Websiteyo farabadan oo ay ka mid ahaayeen, Raadreeb.com,Calanka.com, BosasoPress.com, Saadaal.com, Garoweonline.com.
Ugu dambeyntii Xaflada ayaa ku soo gaba gabowday sidii ugu wanaagsaneyd ee loogu talagalay, waxaana intii ku sugneyd oo nasiibka u halay xaflada in ay ka soo qeyb galaan ma ahane inta kale ay ka dhageysanayeen Idaacada SBC iyo idaacado kale oo la mataan ah oo si toos ah ugu baahinayay sida ay wax u socdeena la socod siinayay shacabka.
![Farxad-g-uul]()
|