Image may be NSFW.
Clik here to view.Ciidamada ammaanka dalka Yemen ayaa muddo kooban xiray Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Yemen Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji, iyadoo arrinta ay ka caroodeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.
Sida ay sheegayaan wararka xariga Safiirka ayaa ka dambeeyay markii isaga iyo koox fanaaniin la socotay oo safaro ku marayay magaalooyinka Yemen ay qabteen ciidamada ammaanka, kadibna ay ku eedeeyeen in si sharci daro ah ay ku safrayeen.
Wararka ayaa sheegaya in Safiir Naaji iyo fanaaniintii kale ee la socday la sii daayay, kadib dadaalo fara badan ay sameeyeen Jaaliyada Soomaaliyeed, iyadoo aanay jirin wax raali gelin ah oo ay ka bixiyeen Ciidamada Yemen xariga ay kula dhaqaaqeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas.
Dowladda Yemen ayaa maalmihii u dambeeyay heegan gelisay ciidamadeeda, kadib markii laga war helay weeraro ay doonayaan inay qaadaan Al-Qaacidada dalkaas, taasna ay keentay in Mareykanka uu xiro safaaradiisa, shaqaalihiisana ka daad gureysto.
Dalka yemen ayaa waxaa ku nool qaxooti fara badan oo Soomaaliyed ku jira xerooyin ay gacanta ku heyso UNHCR, iyadoo tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ay hoy u aheyd Soomaalida ka tageysay Soomaaliya, kuwaasoo sii marayay Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed oo mararka qaar ay kula qalibman jireen doomo ay kaga tahriibayeen Gobolka bari.