Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Khaatumo oo ka Hadlay Markab Raashin siday oo Bosaaso Laga Celiyey(Dhegayso).

$
0
0
Dowlada Puntland ayaa Muqdisho dib ugu celisay markab sidey raashin gar-gaar ah oo ka yimid hay’adda bisha cas ee Turkey. Puntland waxay sheegtay in raashinkan qaab sharci darro ah lagu soo diray isla markaana aan lagu soo hagaajin maamulka.

Gar-gaarkan oo gaaraya 10-kun oo tan oo isugu jira bariis iyo bur ayaa loo waday saddexda degmo ee Isku-Shuban, Taleex iyo Galdogob, balse maamulka ayaa sheegay raashinkan uu yahay mid “Siyaasadeysan” oo la doonayo in khal-khal lagu galiyo amniga Puntland.
Dhinaca kale waxaa maanta markii ugu horeeyay arintaasi ka jawaabay Maamul goboleedka Khaatumo oo sheegay in qeyb ka mid ah raashinkaasi uu ku socday.

Afhayeenka Khaatumo Suleymaan Xaaji Maxamed Samatar oo loo yaqaan Suleymaan Waji Xaad ayaa VOAda uga waramay waxa Maamulkoodu uu kala socdo raashinkaasi.

Dhageyso wareysiga Suleyman Waji Xaad.

Khaatumo-State

  •  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369