Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dhegayso” Proff.Cali Maxamed Geedi”Dowladdu ammaanka Muqdisho ku filnaan la’dahay, Al-Shabaab habeenkii iyaga ka taliya”

$
0
0

GeeddiRa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku filnaan la’dahay ammaanka Caasimada Muqdisho, isagoo cadeeyay in Al-Shabaab habeenkii ay ka taliyaan.

Prof. Geeddi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aanu xilligan ammaan ka jirin, isagoo tilmaamay in dowladdu xilligan ay si gaar ah ugaarsi ugu heyso qaar ka mid ah beelaha Muqdisho sida uu yiri.

“Dowladdu ammaanka Muqdisho ayay ku filnaan la’dahay, aniga tagay dhowaan Muqdisho amni kama jiro, dowladda waxaa laga rabaa inay ammaanka xooga saarto, shacabkeedana ay u adeegto”ayuu yiri Cali Geeddi.

Halkan ka Dhegayso Khudbadii EX.Raiiusulwasaare Cali Maxamed Geedi.

Cali Maxamed Geeddi ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaanka Kenya, Maamulka Axmed Madoobe iyo siyaasiyiin mucaaradsan dowladda.

“Magaalada Muqdisho habeenkii waxaa ka taliya Al-Shabaab, maalintiina ciidamada dowladda, taasna ma ahan mid dowladd lagu hanan karo, waxaa madaxda dowladda ugu baaqayaa in dadka ka hor wareegaan, hadii howshii loo soo doortay aanay ka soo bixi karin”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka dalka ay isku koobeen oo kaliya koox diimeed, ayna horay u diidanaayeen dastuurka dalka.

Magaalada Nairobi ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay shirar siyaasadeedyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo halkaas ay isugu uruureen siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii hore.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles