Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Tartan Kedis ah oo Magaalada Garoowe Lagu soo Gaba-Gabeeyey(Sawiro).

$
0
0

Hoolka Jaamacada bariga africa  magaalada Garowe ayaa lagu soo gabo-gabeeyay maanta  Tartanka kadis oo bishii Ramadaan ka socday idaacada Radio Garowe kaasoo ay ku tartamayeen xaafadaha magaalada.

Masuuliyiin ka socda Dowlada Puntland,aqoon yahano,madaxda Jaamacada Bariga Africa Garowe,mamulka Gobalka Nugaal, kan Garowe, mulkiilaha Radio Garowe iyo dadwayne farobadan ayaa kasoo qayb gala  ,waxana labada xaafadood oo tartanka iskugu soo horay oo kala ah Wadajir iyo Hodan Garowe ay ku tartameen 12-su’aalood oo iskugu jira diini iyo aqoon guud-ba.

IMG_5706

Xaafadda Wadajir ayaa ugu danbayntii ku guulaystay Tartanka Kadis, waxana su’aaladaha soo diyaariyay guddiga ardayda jaamacada Barica Africa oo sanad kasta ka qayb gala tartankan.iyadoo ay maalgeliso Shirkada Golis.

Agaasimaha Radio Garowe Axmad Cawil Jaamac ayaa sheegay muhiimada ugu wayn oo ay tartankan u qabteen inay tahay sidii dhalinyarada Garowe ay isku dhex gali lahaayeen, isla markaasina ay iskugu faa’iidayn lahaayeen aqoonta iyo daruusta ay jaamacadaha iyo iskuulada kasoo barteen.

Gudoomiyaha guddiga ardayda Jaamacada bariga Africa Garowe Mahad Axmad Cumar oo hadal kooban soo jeediyay ayaa mahad ballaaran u celiyay xaafadaa tartankan ka qayb galay iyo masuuliyada ay muujiyeen inta u socday, wuxuna ballan qaaday inay sii xoojin doonan tartamada noocan oo kale ayna soo daabici doonan su’aalaha iyo jawaabaha tartamayaasha dhex maray.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa boggaadin u diray labadii xaafood ee tartanku dhex maray, wuxuuna sheegay arrintaani inay tahay muhiim ayna ku jirto faa’iidooyin badan oo u baahan in la isku taxalujiyo.

Duqa Caasumadda Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi oo tartanka inta uu socday kaalin muuqata ka qaatay ayaa hambalyo u diray xaafada Wadajir oo hanatay koobka tartanka Kadis, wuxuna sheegay in lagu tartamo aqoonta inay fursad u tahay mustaqbalka dhalinyarada soo kacaysa.

Mamulka iyo shaqalaha Radiogarowe ayuu ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, taasoo ay ka mid tahay qabashada bisha barakaysan Tartan aqooneedkan kadis.

IMG_5678

Taliyaha qaybta booliska Gobalka Nugaal Cabdiraxaman Xaaji Abshir oo isna madasha ka hadlay ayaa dhalinyarada xaafadaha magalada Garowe ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si gacanta loogu dhigo kooxaha qaswadayaasha ah, sidoo kale dhalinta ayuu uga digay tahriibta oo sanooyinkii ugu danbeeyay kusoo badanaysay dalkeena Somalia.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ‘”Qarjab’’ ayaa si kulul uga digay falalka tahriibta oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay xasilooni la’aanta dalka ka jira, wuxuna dhalinyarada ku mashquulsan iyo kuwo kale ee wali ku dhibaataysan inta u dhaxaysa Itoobiya iyo Talyaaniga ugu baaqay inay dalkooda aaminaan isla markasna dhulkooda ka shaqaystaan.

Cabdinuur Gaadayare oo ah madaxa suuq gaynta Shirkada Golis ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qabashada tartankan,wuxuna sheegay ka shirkad ahaan inay mar kasta garab taagan yihiin tartamada kor loogu soo qaadayo himilada iyo garaadka Ardayda Puntland.

Wasiirka wafaafinta Dowlada Puntland Prof.Axmad Shiikh Jaamac oo xafladas oo xidhay ayaa bogaaddin iyo mahad naq usoo jeediyay dhamaan shirkadihii ka qayb galay tartanka ,wuxuna ku tilmaamay tartankan mid dhabada usii xaaraya ka wada shaqaynta kobaca aqoonta iyo garaadka dhalinyarada reer Puntland.

Xaafada Wadajir oo kaalinta kowaad gashay ayaa la gudoon siiyay 10-Milyan oo Shillinka Somaliga ah iyo lix gaari gacan iyo lix badaal oo loogu talo galay inay kaga qayb qaataan bilicda magaalada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles