Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Xafiiska R. Wasaaraha Ayaa Sii Wada Kulamo Looga Tashanayo “Human Rights Road Map”

$
0
0

Muqdisho, 11, Augst, 2013…..Waxaa shalay  markale shir ka dhacay  Hotel City Plaza ee magaalada Muqdisho isugu yimid Xooghayaha Golaha Wasiirada Maxamed Jamac Calas, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqul Insaanka ee Geneva, Ismaciil Maxamed Yuusuf Bari-Bari. Shirkaan ayaa daba socday kulamo horay uga dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga tashanayey khariirada geedi socodka lagu hormarinyo laguna ilaalinayo xuquuqul  insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wada tashigaan dhex maray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ee ku sugan maagaalada Muqdisho. Ayaa looga hadlay sidii loo dhamystiri lahaa Khariidada Geedi Socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo Xuquuqul Insaanka Muwaadiniita Soomaaliyeed ( Human Rights Road Map).

Wuxuuna shirku qayb ka ahaa kulamo isdaba joog ah oo uu abaabulay Xafiiska Raysal Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

“Shirkan waxaa uu ahaa mid Dowladdu ay u sharaxayso Ururada Bulshada Rayidka qabyo qoraalka Khariirada Geedi Socodka  lagu hormarinayo laguna ilaalinayo Xuquuqul Insaanka Muwaadiniita Soomaaliyeed., Waxayna doodu ahayd mid furan oo laysku dhaafsanayey aarada iyo talooyinka ku aadan sidii loo hormarin lahaa loona ilaalin lahaa Xuquqal Insaanka Muwaadininta Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Bari-Bari oo intaas ku daray in qaybaha ka soo qayb galay ay soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah iyo kaalintooda bulashada rayidka kaga aadan dhaqan galinta Khariirada.

Shirarkaan ayaa sii socon doona ilaa iyo inta laga dhamaystirayo qabyo qoraalkaan, waxaana dhawaan shirkii ugu danbeeyey  lala yeelan doonaa Madaxda Sare ee Hay’adaha Amniga. Waxaa sidoo kale intaaan loo gudbin qabyo qoraalkaan shirka Golaha Wasiirada markale wada kulmi doona dhamaan xubnihii ka qaybgalay shirarkii hore, iyadoo loo soo bandhigi doono qabyo qoraalka oo dhamays tiran.

Ugu danbayntii waxaa la filayaa inuu dhaco Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada isugu imanayaan dhamadka bisha August, 2013 , ayna ka soo qayb gali doonaan Madaxda ugu saraysa Dalka, Danjiraha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya Xafiiska QM ee Geneva Mudane Yusuf Maxamed Ismaciil Bari-Bari,  Madaxda Sare ee Hay’adaha Amniga iyo  Xubno matalaya Bulshada Rayidka ah, waxaa sidoo kale lagu marti qaadi doonaa Khabiirka Madaxa banaan ee u qaabilsan QM Arrimaha Xuquul Insaanka ka jira dalka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari iyo Madax ka socota Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha Xuquuqal Insaanka.

—DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase 

Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
IMG_7055 IMG_7058 IMG_7059 IMG_7062 IMG_7050 IMG_7051

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles