Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golaha Samatabixinta Puntland oo iska fogeeyey Qoraal Looga Been Abuurtay oo Internetka Lagu Baahiyey

$
0
0
Kaddib markii dhowaan lagu baahiyey mareegta Internet-ka qoraal been abuur ah oo la sheegay in uu kasoo baxay Golaha Samatabixinta Puntland, ayaa waxaa qoraalkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay madaxda sare ee golaha oo maanta magaalada Boosaaso shir jaraa’id ku qabtay.
 
Qoraalkan oo uu ku saaxiixnaa qof sheegtay in uu yahay af-hayeenka Golaha Samatabixinta Puntland – haseyeeshee aan magaciisa shaacin- ayaa ahaa mid lagu dhaleeceynayey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo hadda ah musharrax u taagan xilka madaxweyne nimada Puntland.
 
Xubnaha ugu sareeya Golaha oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka Eng. C/risaaq Xuseen Gacayte ayaa si aad ah isaga fogeeyey qoraalkaas. Waxayna intaas ku dareen in goluhu uu si kal iyo laab ah usoo dhoweynayo musharrax walba oo isbeddel doon ah oo ka damqanaya dhibaatooyinka xilligan ka jira Puntland.
 
Prof. Gaas ayey isagana ku tilmaameen in uu yahay siyaasigii ugu horeeyey ee reer Puntland ah ee si cad u iftiimiya xaaladda Puntland, islamarkaana ku baaqa in Puntland ay u baahan tahay isbeddel siyaasadeed oo horseed u noqda midnimo, horumar iyo caddaalad.
 
Gabagabdii waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas, iyagoo sheegay in lib iyo abaal loogu hayn doono kaalinta mugga leh ee uu ka qaatay badbaadinta Puntland xilli ay u muuqatey mid ku socota dhabihii burburka.
 
Waa markii ugu horeysey oo qoraal noocan oo kale ah oo looga been abuuranayo Golaha Samatabixinta Puntland lagu baahiyo Internet-ka. 
Eng Abdirasak Hussein Gaite

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles