Xukuumada Kenya ayaa sheegtay inaysan Magaalada Kismaayo ku wareejindoonin DF, waxaana saraakiiil u hadlay Kenya ay sheegeen inay ku wareejin doonaan Hogaamiye ay dadku soo doorteen.
Shir jaraa’id oo ay Nairobi ku qabateen mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan wareejinen garoonka iyo Dekeda Kismaayo laakiin waxay ku wareejinaysaa Hogaamiye la aqoonsan yahay oo ku yimid dib u heshiisiin.
“Kenya kuma wareejinayso DF Dekeda iyo Garoonka Kismaayo, balse waxay k wareejinaysaa Hogaamiyaha ay soo doorteen Dadka deegaanka” ayuu yiri Karanja Kibicho, isgaoo intaas ku daray in Dowladiisu aysan ogoleyn go’aan kasoo baxay Shirkii Kampala.
Shirkii Kampala ayaa waxaa lagu go’aamiyay in DF lagu wareejiyo maamulka Goroonka iyo Diyaaradaha Kismaayo, balse waxaa hadalkaas ka horyimid Sh. Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Mr. Karanja Kibicho wuxuu sheegay in ciidamadooda hadii ay Kisamayo ka baxaan ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, isagoo sheegay in taasi ay mar kale sababi doonto in Al-shabaab ay la wareegto Kismaayo.
Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa waxay qayb ka yihiin AMISOMiyadoo horay ay DF ugu eedeysay inay sabab u ahaayeen dagaaladii bishii hore ka dhacay Kismaayo, inkastoo Kenya ay gaashaanka ku dhufatay arintaas.
Sidoo kale Sarkaalka kale ee u hadlay Kenya oo lagu magacaabo Zaddock Madiri Syong’oh ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay ka shaqeynayaan sidii ay Amniga Jubooyinka u adkeyn lahaayeen, wuxuuna ka digay in la carqaladeeyo amniga ka jira halkaas.
“Ciidamada Kenya hadii ay ka baxaan Jubooyinka shaki kuma jiro in Kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo laabanayso goobihii horay looga saaray” ayuu mar kale yiri Zaddock Madiri Syong’oh.
DF wax jawaab ah kama bixin Go’aanka Kenya ay ku sheegtay inaysan Dekeda iyo Garoonka Kismaayo ku wareejinayn, balse ay ku wareejin doonto Hogaamiye ay dadku soo doorteen.
Source:Garoowe.