Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

War Deg Deg Ah: Maalinta Beri oo ay Tahay Maalin Ciid Ah.

$
0
0

eid-mubarak-message (1)Inta badan dalalka Muslimiinta ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri ay tahay Maalin Ciid ah, iyadoo dalalkaas ay ka mid yihiin dalalka Khaliijka, Malaysia, Indonesia, Soomaaliya, Jabuuti iyo dalal kale.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday in maalinta berri ay tahay maalin ciidul Fidri ah, isla markaana maanta Ramadaanka ku dhamaaday 29.

Sidoo kale dalalka Qadar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ayaa iyana iclaamiyay inay maalinta berri tahay Maalin Ciid ah.

Meelaha looga dhawaaqay Ciida ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, war ka soo baxay wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegtay in berri oo Khamiisa ah ay Ciid tahay.

Xarakada Al-Shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta ayaa sheegtay inay tahay maalin ciid ah, iyadoo meelo ka mid ah gobolada dalka sida laga arkay bisha sida lagu sheegay war ka soo baxay Shabaab.

Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana lagaga dhawaaqay in berri ay Ciid tahay, Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida degto ayaa berri laga ciidayaa.

Somaliland ayaa iyana berri iclaamisay inay tahay maalin Ciid ah, waxaana masaajidada caawa laga qaadayay Takbiirta.

Laakiin dal uu ka mid ah yahay Pakistan ayaa ilaa iyo hada la soo sheegaya inuu berri ay u tahay Soon, iyadoo ay aalaaba dhacdo in dalalka Muslimiinta ay isku khilaafaan maalmaha Ciida iyo Ramadaankaba.

Ugu dambeyn Bahda Jowhar.com ayaa Umada Soomaaliyed meel walba ay joogaan u direysa Hambalyo ku aadan Ciida, waxaana Alle uga rajeyneynaa in ciidan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles