Waxaan Marka Hore Salaan Diiran Garsiinaya Guud Ahaan Shacbiga Somaliyeed
Soomalidu Waxay ku Mahmahda Nin Hanyari Mahana Qaado Mahmahdaas waxay manta
Haysata Dawlada Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Iyo Lataliya yaashii Dhanka Siyasada Arimaha Gudaha Soomaliya
Madax Waynaha Soomaliya oo ah mid Lagu Soo doortay Qaab Dimuquradiyada Dad Badan oo Soomaliyeedna
Aay aad Ugu Han waynayeen Kadib Dorashadii uu ku Guulastay waxaana lafilayey Inuu iska dhiso
Siyasada Arimaha Gudaha taas oo Mihiim U ah Guusha Dawladladnimo Nasiib daro Ma Aysan Dhiciin Taasi
Hanyarida Dawlada Xasan Shiikh
Totobadkan Ayey ahayd Markii Madaxwaynahu uu ka qayb galay Shirkii Wadamada
Ciidamadu ka jogan Somaliya shirkaas oo kadhacay Wadanka Ugandha Kaas oo Looga Hadlayey Arimo Badan oo Ku Sabsan Dhanka tageerada Dawlada Soomaliya Iyo Sidii La iska Warysan lahaa Hormarka Laga Garay Dhanka Amanka ee Somaliya Hadaba Waxaa Shirkaas Ka Qayb Galay dawlada Soomaliya Wafti uu hogaminayo Madax waynaha oo Ay Xubno ka Ahayeen Wasiirka Arimaha Dibada Marwo Foziyo Iyo Afhayeenka Dawladda Federaalka Ahna lataliyaha Madaxwaynaha Eng-Yariisoow Waxaa looga Fadhiyey Inay Shirka La Tagan ahmiyad Qaran Iyo Mas,uulliyad Wadan Laakiin waxay Shirkii Ka Jeediyan Codsi Ay Dawladaha Africa Ka Codsadeen In dakada Iyo Garoonka Diyaradah Kismaayo Jubland Laga Qaado Laguna Soo Wareejiyo Taas oo Dawladihii Africanka ahaa Ka Yabisay Shacabka Somaliyed na Ay ka Naxeen Qaabka Ay dawladu U Dhaqmayso Iyo Hanyarideeda ,
Hadaba Waxaa IS Waydiin Mudan Hadii Ay Dhacdaba oo Jubland Ku wareejiso Airporka Iyo dakada Yaa u Ilalinaya Dawlada oo la og yahay Awodeeda Iyo Inaysan Xata Xamar Amankeeda Xajin karayn Waa Layabe Yaa haysta Kismaayo Soo Shacbkii Soomaliyed ee Ilahay Ku Abuuray Ma Dagana Masuula Kama Ahan Mise Ilawsan ayhay Madaxwaynuhu Shacbka Reer Jubland Inay dadal Dheer u Soo galin Dhiig badana Ku dadtay Xorayta Kimaayo Waa yabe Marka uu leyahay Ha la,igu wareejiyo Dakada Kismaayo Maxay ka duwan tahay Dakadaha Bososo Barbara Iyo Barawe Mise Airporka ayaa ka duwan kuwa ku Yala Gobolada Kale ee Soomali wayn Maxaa Tusay Jublland Dawlada Su, allahaas Waxaay U Tala Shacbiga Somaliyeed ee indheer garadkaa Mise Dhacday In Dhaqallaha Ka soo xarooda Xamar Iyo garoonka Diyaradaha ee Xamar Ay Dawladu Wax Ka Garsiiso Shacbiga Reer Jubland Soo Xalki Uma Muuqdo Meeshi Cir laga Sugayey Ayaa Ciiryamo ka Timid!!
Fashilkii Puntland uu ku Fashilmay Madaxwaynuhu !!
Madaxwaynaha Iyo Raga Ku Harerasan Waxay ku Fashilmeen Siyasada Arimaha Gudaha waxana Ku cadaynasa
Mamul goboldka Puntland oo leh Qibrad Mamul Kana Mid Ahaa Dadkii Ku meel garka Ka Saray Soomalia
Dad Madan oo Soomaliyeed na Marti Galiyey Maxad wayne Xasan Shiikh maxamuud Waxay ku qaatatay Inuu
Booqdo Mudo Dhan 8 Bilood Markii uu tagayna Wuxuu Ila Tagay Siyasad an Bislayn kana Xanaajisay Shacabka
Iyo Madaxda Puntland Kadib Markii uu ku Yiri wax wata Tashiya Kuma Lihidiin Shirkii Somalida Logu Qabanayey
Londan Kaas oo loo bahna Inuu Tixgallin Siiyo Mamulka Mudada Dheer Soo dhisna Lagana Heli karo Talooyin Dhaxal
Gala Laakiin Nasiib daro Waa uu ku guul daraystay Inuu Puntland La wadaago Qibrada Ay Ledahay Marka waxaan Dhihii karana Waa Han yari Waxa Ku Soo koobay Inuu Ka bakhaylo In Puntland lala wadaago Waayo aragnimada Mamul ee ay ledahay,
Soomahayn In Jubland Loo mahad Celiyo
Soomaliya oo 23 Sano bur Bursanay Ayna Ka dheceen dagalo Sokeye Waxa Jira Meello Iskood isku ababulay
Dhistayna Mamul Lagu Nagaaday dad Badan oo Soomaliyeedna Ay ku Bad badeen Meelahaas waxaa Ka mida
Mamul Goboledka Puntland Iyo Mamulka Soomali Land Inkastoo Qabsiyasadeedka Labada Mamul ay Kala Duwan yihiin
oo Somaliand Ay ku Doodayso Inay Soomaliya Ka Go, ayso Halka Puntland Ay ku Raad Jogto Raadinta Midnimada
Umada Soomaliyad Waxaa Hada Soo Raacay Mamul Goboledka Jublland Taas oo Ay Dawlada Somaliya Ka Naxday
Dadka Somaliyedna ay la yaban Yihiin Qaabka Dawlada Somaliya ay u Wajahayso Wixii Lagu heshiyey oo aha
Dastuurkwa Federalka Kaas oo dhigaya In loo mahad Celiyo Mamulada dhisnaa Kuwa Dhismayana Laga tageero
Qaabkii ay u dhsimi lahayeen Waxase Layaab Noqotay Umad isku tagtay oo Mal Iyo moodba Isku Gaystay Dhistayna
Mamul ay ku Heshiyeen In dawladii dhex ay Caqabad Ku noqo Kuna Mash quusho Qabkii ay Ku Dumin lahayd Mamulka
Ay Soo dhisten Shacbiga Reer Jubland oo Ku Heshiyey Inay Dhistan Mamul Goboled Soomaliyeed Kuna Salaysan Axdigii lagu heshiyey kaas oo dhigayey inay Mamul Goboled dhisan karan 2 Gobol iyo Wixii kabadan laakiin waxaa xusid mudan In Jubland Tahay 3 Gobol oo ku heshiyey inay Dhistan mamul Ay ku midaysan yihiin Hoostagayana Dawlada dhexe Hadaba waxaa Is waydiin mudan Maxay Diidan Tahay Dawlada dhexe ee Soomaliya ? Umada Somaliyed ayaa ka Jawaabi Doonta !!