Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kulan looga hadlayay Arrimaha Jubooyinka oo Nairobi Lagu qabtay.

$
0
0

general_bWaxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay kulan ballaran oo looga hadlayay siyaasadda Jubooyinka iyo sidii qaab nabad ah ay ugu wada noolaan lahaayeen dadka degan gobollada Jubooyinka.

Wax-garad,siyaasiyiin iyo qeybaha buslahada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa kasoo qeyb galay munaasabaddan oo uu soo qaban qaabiyay C/qaadir Xaaji Maxamed Dhaqane, oo ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soo maray dalka.

Gen,Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil (Farataag) oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland garabka Shiikh Axmed Madoobe ayaa sidookale lagu soo dhaweynayay munaasabadda iyadoona mas’uuliyiintii kasoo qeyb galay kulanka ay jeediyeen hadallo ku qotoma muhiimada ay leedahay isfaham iyo wada-hadal dhexmara dowlada Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

“ujeedada kulankan waxay tahay sidii looga shaqeyn lahaa wada-hadal iyo heshiis dhexmara dowlada federaalka iyo maamulka Sh.Axmed Madoobe”sidaas waxaa yiri C/qaadir Dhaqane.

Siyaasi C/qaadir Maxamed Dahqane ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubblaand in ay ka dhabeeyaan xal waara oo laga gaaro khilaafka muddada soo jiitamay ee Jubooyinka.

Gen, Farataag oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu diyaar u yahay in ay la heshiiyaan dowlada, haddii ay aqoonsato sida uu hadalka u dhigay awooda maamulka Jubblaand iyo xaqa ay u leeyihiin in maamul ay sameystaan dadka degaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Madasha ayaa waxaa ka dhex muuqaday xildhibaano ka tirsan barlamaanka dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo xilal ka haya maamulka Puntalnd.

Dadkii kasoo qeyb galay kulankan lagu qeexay ka shaqeynta dib u heshiisiinta dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe, ayaa waxaa ka mid ahaa,Gen,Maxamed Warsame Darwiish,Aw-libaax,Yaasiin Raadeer,Xasan Barre,Ugaas Garre,Cabdi Sitaar Xasan Cali iyo mas’uuliyiin kale oo badan.

Siyaasado isdiidan ayaa ka jiro gobollada Jubooyinka, taas oo keentay in dagaallo ay dhexmaraan siyaasiyiinta sheegatay madaxtinimada maamulka Jubbaland.

Dowlada Soomaaliya oo marar badan ka hadashay khilaafka siyasadeed ee Jubooyinka ayaa sheegtay in muhiimada dwoladu ay tahay dhisida maamul goboleed buuxiya shuuradaha maamulnimo ee dastuurka dalka iyo nidaam ay siwada jir ah ugu mideysan yihiin dadka deegaanka, balse aysan jirin dan gooni ah oo ay ka leedahay jubooyinka.

Kulankan looga hadlayay arrimaha Jubooyinka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli lasheegay in dalka Itoobiya ay dhawaan wada-hadal ku yeelan doonaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles