Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Garoonkii diyaaradaha ee Magaalada Nairobi oo dab qabsaday(Sawiro).

$
0
0

Dab xoogan ayaa saaka waabarigii hore ka kacay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo holac iyo qiic uu cirka isku shareeray, waxaana kooxaha dab damiska ay wadaan dadaalo ay ku dabinayaan dabka ka kacay garoonka.

Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka dabkan ayaa si dhab ah loo ogeyn sababaha keenay, hase yeeshee waxaa uu qasbay in duulimaayadii caalamiga ahaa in saaka oo arbaco ah la joojiyo.

Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa gebi ahaanba la xiray, iyadoo laga saaray rakaabkii saaka ka dhoofi lahaa, sidoo kale shaqaalihii garoonka ayaa iyana lagu amray inay ka baxay, waxaana la geliyay xaalad deg deg ah garoonka Joma Kenyatta.

Xoghayaha gaadiidka dalka Kenya Michael Kamau ayaa sheegay in dabka ka kacay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta uu yahay mid aan u xoogan, isagoo cadeeyay in la joojiyay dhamaan wixii duulimaad ahaa ee garoonka ka baxayay.

Waxaa uu sheegay in rakaabkii garoonka ku jiray ee doonayay inay ka dhoofaan laga saaray iyo kuwii soo degay, iyagoo bad qaba, waxaana uu xusay in goobta ay hareereeyeen ciidamada ammaanka si aan loogu dhowaan.

Maanta oo taariikhdu tahay 7-da Agosto ayaa waxay ku beegan tahay 15-sano kadib markii weeraro bambaano ay ka dhaceen Safaaradihii Mareykanka uu ku lahaa Nairobi iyo Dara salaam, iyadoo weeraradaas ay ku dhinteen dad fara badan.

Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay dabkaas ka kacay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Garoonka Joma Kenyatta ayaa ka mid ahaa garoomada ugu mashquulka badan dalalka bariga Afrika, iyadoo diyaarado badan oo ka yimaada, Yurub, Aasiya, Ameerika iyo Afrika ay ka soo degaan, waxaana soo caga dhigta diyaarado caalami ah.

joma-kenyata_1

joma-kenyata_5

Source:Jowhar.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles