Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka Jawaab Celisey Go’aankii Dowlada Puntland.

$
0
0

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa si kulul uga jawaabay go’aanka Dowlada  Puntland uu ku dhawaaqay inuu xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Eng. C/raxmaan Yariisow oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xun tahay, go’aankaas, isla markaana aanu aheyn war Mas’uuliyad ku dheehan.

“Aad iyo aad ayay dowladda uga xun tahay warka noocaas ah, mana ahan war mas’uul , mana ahan war dhiira gelinaya midnimada umada Soomaaliyeed, anaga mar walba waxaa naga go’an dowladda in meel walba gaarto, shacabka loo adeego”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in eedeyamaha ka soo yeeray Puntland uu yahay kuwo aan sal iyo raad laheyn, isagoo tilmaamay in Puntland ay ka mid yahay dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada xubin ka tahay.

“Waa eedeyn aan ku habooneyn dowladda, dowladda waxay ka kooban qeybaha bulshada soomaaliyed awood qeybsiga waa mid naga wada dhaxeysa, Puntland dowladda dhexe ayaa loogu jiraa, golaha baarlamaanka loogu jiraa iyo Golaha wasiirada, Puntland waxaa siinay si gaar tixgelin u siinay, wada shaqeynteeda diyaar u nahay,waana sii joogteynaynaa, waxaa is leenahay wada jirkeena iyo midnimadeena umada dhan ayay dan u tahay”ayuu mar kale yiri Eng. Yariisow.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay qoonsadeen Puntland oo ahaa heshiiskii dowladda Soomaaliya la gashay shirkad ammaanka xeebaha qaabilsan ayuu sheegay in dowladda ay waajib u leedahay inay shirkado dibadeed heshiis la gasho, isla markaana ay sharciyad buuxa u leedahay, hase ahaatee wixii jira ay xalin karaan, Puntland ka wada hadli karaan.

Sidoo kale mar la weydiiyay eedeynta Puntland ee in wax laga bedelay Dastuurka ayuu sheegay in aanay taasi sax aheyn, isagoo cadeeyay in aanu garan karon in cabooshooyinka aanay salka iyo raadka laheyn sabab dowladda loogu eedeeyo sida uu yiri.

“Waxba lagama bedelin dastuurka markii hore waxaa mas’uuliyadeeda lahaa Saxiixayaashii, Puntland horseed ka aheyd, Dastuurkana dib u eegis baa baarlamaanka ku sameynaya, Waa howl baarlamaanka hortaala eedaas nama qabato runtii”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Eng. Yariisow.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in xiriirka ay u jareen dowladda Soomaaliya, iyadoo qoraalka oo ka koobnaa qodobo badan eedeymo kulul loogu jeediyay dowladda Soomaaliya.

yariisow

Source:Jowhar.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles