Magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay AHN Cabdinaasir Maxamed Cilmi oo qaybta maaliyada madax ka ahaa hayada PDRC xarunta Mudug.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in laba nin oo bastoolaod ku hubaysan ay toogteen xili uu ku soo tukaday salaada Taraawiixda Masjidka Imaamul-Shaafici oo ku yaal xaafada Garsoor ee Galkacayo ka dibna goobta falka ayay ka baxsadeen.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka Marxuumkan ,waxase goobta gaaray ciidamo ka tirsan laamaha amaanka oo su’aalo waydiinayay dadkii ka agdhowaa meesha dilku ka dhacay.
AHN Cabdinaasir ayaa GO dad la shaqeenayay u sheegeen inuu 2009 ka soo baxay kuliyadda Maamulka Jaamacada Bariga Afrikaee Bossaso ,islamarkaasina dhowaan uu aqal galay.
Waa dilkii saddexaad bishan July oo ka dhaca Galkacayo ka dib dilkii loo gaystay Wariye Liibaan Qaran oo ka shaqeynayay Telefishinka Kalsan iyo AHN Cabdi Faarax Dheere oo gudoomiye ku xigeenka ka ahaa hayada xuquuqda aadanaha u dooda ee INXA kana mid ahaa xubno Gudi kormeeri lahaa doorashooyinkii la joojiyay.