Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Habka Loosoo Xulayo Baarlamaanka Cusub ee Dowlada Puntland oo La Ansixiyey(Dhegayso).

$
0
0

Xildhibaanada_Puntland1Baarlamaanka Puntland ayaa maanta  si rasmiya u meel mariyay in xukuumada cusub Puntland ee imaanaysa lagusoo dooranayo nidaamkii hab beeleedka ahaa  ee lagu soo dooran jiray xukuumadii hore.

Arintaan ayaa ka dambeeysay ka dib markii guddiga sharuucda barlamaanka ay golaha barlamaanka horgeeyeen waqrad lifaaq ah oo ka hadlaysay sida lagusoo dooranayo barlamaanka midkaan ku xiga.

Halkan ka Dhegayso Codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

44 xildhibaan oo ku sugnaa golaha barlamaanka ayaa cod gacan taag ah  ku meel mariyay in barlamaanka cusub  uu ku imaado hab beeleed ayna soo xulayaan isimadii soo jireenka ahaa ee soo xuli jiriay barlamaanadii hore.

Majirto cid ka kasoo horjeesatay ama ka aamustay isku raacida arintaan inta lagu jiray dood xildhinaanada ka yeelanayeen lifaaqa soo xulista barlamaanka cusub.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdi Rashiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay anisixta hab beeleedka lagusoo dooranayo barlamaanka iyo in isimada Puntland ay  soo magacowdaan xubnaha cusub ee barlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ka dhigaysa in xukuumada Puntland ee  soo socota lagusoo doorandoono habkii qabaa’ilka taas oo meesha ka saaraysa nidaamkii axsaabta badan ee lagu hanweynayaa mudda badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles