Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,midnimadda iyo Cadaaladda codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo karaamadda ummadeed leh,waxaanu qormadan ku gudbineeynaa Bayaanka Ururka ku saabsan xaaladaha wajiyada kala duwan leh ka dhacaaya dalkeena hooyo(somalia):-
1-Urur ahaan waxaanu si weyn u cambaareeyneeynaa masiibooyinka
ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah sida:-Qaraxyada badan,
Miino duugida,Dilalka qorsheeysan iyo khalkhal gelinta amaanka
Bulsho-weynta tusaale ahaan:-
A-Dilkii Gudooyiye ku xigeenkii degmadda Yaaqshiid(Muqdisho).
B-Dilkii Dr-Cismaan C/Raxmaan(Ceelasha Biyaha)Muqisho.
C-Dilkii Madaxa Garsoorka Baledweyne(Hiiraan).
D-Dilalkii kala duwanaa oo lala beegsaday Askarta Ciidanka.
E-Dilalkii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.
F-Dhaawacii Gudoomiye ku xigeenka Degmadda Baydhaba(Bay).
H-Qaraxyadii lalabeegsaday Ciidamada qaranka iyo kuwa amison Muqdisho gudaheeda.
G-Qaraxyadii iyo dilalkii ka dhacay degmada Afgooye(Sh/Hoose), intuba waa falal dembiyeed iyo qas amaanka iyo xasiloonidda lid ku ah eey ku nafwaayeen dad muwaadiniin ah wax dembi ah geliin,kuwa ka dameeyeey dembiilayaal ciqaab mudan,dayac weyn oo dhan amaanka ah ayaa caasimadda ka jira waana arrin ayaan daradeeda leh iyo masuuliyad xumadda wasiirka arr.gudaha iyo Hey’adaha nabadgelyada,waxaanu ku talineeynaa in dadaal dhab iyo si muuqata wax looga qabto khal-khalka amaanka muqdisho lala yimaado iskaashi dowlad iyo dadweyne(hadii dhego dhanka wanaagsan u daloolaa jiraan).
2-Sidoo kalle waxaa cambaareeyn culeeyskeeda leh mudan dhibka iyo khal-khalka nabadgelyadda iyo xasiloonida daridda ku soo badaneeysa magaaladda kismaayo oo beryahan dame ka dhaceen dilal dhoowr ah iyo qaraxyo miino ah eey ku naf waayeen dad rayid ah iyo xubno ciidanka degaanka ka mid ah iyo kuwa amison dayaca amaan waa dhaliil maamulka kismaayo leeyahay(J/Land) eeyna haboon tahay ineey tallaabo deg-deg ah ka qaadaan,isla markaasna dhameeys-tiraan dhismaha maamuulka J/Land State oo hab cadaaladeed leh(Saami qeybsi leh),anagoo ka digeeyna arr. ama xiisaha colaad iyo dagaal huriinta ah oo kooxaha qas iyo dhibaato abuurayaasha ahi wadaan(hore guul-daradu u raacday).
3-Waxaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa ogolaanshaha dib u eegidda sharcigga warbaahinta iyo saxaafadda somaaliya si loo waafajiyo hab qancin karaaya dhinacyada kala duwan,illaaliya Xuquuqda iyo xurmada bahdda warbaahinta iyo saxaafada,xoriyada
qowlka,qaraamadda basharka iyo sugnaanta iyo hufnaanta wararka iyo xaqiiqadda Ilahooda-ba,anagoo mar walba ka digeeyna guud ahaanba wixii cadhudhin,caqabadeeyn,xakameeyn iyo af qabasho ah ama habka jiheeynta ujeedo gaar ah leh(dhinac u xagliin).
4-Soo dhoweeyn sii deeynta labadii la heyste oo ka socdeey Hey’adda Dakhaatiirta xuduudka laheyn(MFS)oo muddo 2-sano ah gudaha dalkeena hooyo(somalia)afduub loogu heeysteey.
5-Soo dhoweeyn iyo amaan dadaalka iyo waxqabadka Wasiirka wasaaradda adeegyada bulshada Drs-Maryaan Qaasim oo muujisay masuuliyda toosan,daacadnimo iyo wax qabad muuqda,gaar ahaan ku dadaalidda soo celinta adeegyadii lacag la’aanta ahaa:- Waxbarashadda iyo Caafimaadka oo si weyn eey baahi ugu qabaan aqlabiyadda bulshadda somaaliyeed gaar ahaan kuwa caasimadda iyo degaamadda ku dhoow ku sugan,sidoo kale waxaa dadaal iyo karti dheeraad ah muujiyeey duqa muqdisho-Tarzan gaar ahaan dib u soo celinta bilicdii iyo hanaankii caasimadda,inkastoo eey jiran warar sheegaaya in wasiirka arr.gudaha uu waddo qorshe xilka looga xayuubin rabo Mudane-Tarzan,arrin ayaan daradeeda leh in shakhsiga dadaalka,waxqabadka iyo masuuliyada muujiya la casilo midka fashilana la amaano(la abaal mariyo), sida wasiirada-Arr,Gudaha,Gaashaandhiga,Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo intuba ah astaan ceebeed iyo khasaare dowladeed balse lagu tixgeliyo abaabulka colaadda, xiisad dagaal iyo sii kala fogeeynta ummadda somaaliyeed.
-Ramadaan Kariim-
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-Afhayeenka Guud Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-21-Jullay-2013.