Inta badan Wariyaasha dalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga baqa ka halida sirta hoose ee Amiirka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane balse markaan waxaa soo baxay Wariye caan ah oo qalinka u qaatay Taariikh nolaleedka Axmed Godane kaas oo qarxiyay sir badan oo u qarsooneeyd hogaamiyahaan mayalka adag.
Wariye Cabdi Casiis Maxmed Guuleed (Africa) oo ka mid ah wariyaasha ugu caansan dalka Somalia ayaa waxa uu la xiriiray darsin culumo iyo dad ah oo si weeyn ula soo shaqeeyay hogaamiyaha ururka Al Shabaab Axmed Godane kuwaas oo ka shakeenaya hab dhaqanka Amiirkaan oo si aad ah looga qeeyliyay.
Hogaamiyahaan oo Taariikh ahaan markiisii hore Dhuxusha ka ganacsan jiray waxaa la isku raacay in uu yahay shaqsi aad u xukun jecel oo qaarajiya cid alaale iyo cidii faraha la soo gasha awaamiirta xukunkiisa.
Inta badan Culumadii wax soo bartay Axmed Cabdi Godane oo Muuqaalkaan ka hadashay waxeey kashifeen hab dhaqankiisa waxeeyna ku sheegeen shaqsi aanan diinta Islaamka shuqul ku leheen oo dhiiga Culumada saacad gudaheed banaaneeysta.
Halkaan Hoose ka Dhegayso Taariikh Nololeedka Amiirka Al-Shabaab Mr.Axmed Godane.