Xarunta Wasaarada Amniga Puntland ee magaalada Garowe ayaa maanta waxa ka furmay shir muddo saddex maalmood socon doona kaasi oo looga hadlayo adkaynta amaank,waxana ka qaybgalaya in ka badan 50 ruux oo isugu jira laamaha kala duwan ee wasaarada iyo amaanka.
Hayada UNDP ayaa soo qaban-qaabisay ,waxana ka qaybgalay saraakiil ka socotay ,madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiirka Amniga.
Khaliif Ciise Mudan ayaa u mahadceliyay UNDP ,waxana uu sheegay in hayadu gacan dheeraad ah ka siiso Puntland tababarka laamaha amaanka ee kala duwan.isagoona xusay inuu muhiim u yahay ka qaybgalayaasha kulankani.
Nick Presford oo horey u haystay UNDP Puntland ayaa ka mid ahaa saraakiisha ka hadashay tageerada Qaramada Midoobay dhanka amaanka siiso Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa tilmaamay in Puntland ay leedahay cadow badan oo markasta ku jira falanka inuu nabadgelyadeeda wax u dhimo islamarkaasina loobaahanyahay in laga feejignaado.
Kulanka dhamaadkiisa ayuu rajo fiican ka muujiyay inay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo horey u sii mariya wada-shaqaynta laamaha kala duwan ee looga dan leeyahay adkaynta amaanka.
![]() |
Source:Garoowe.