Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya oo Adis Ababa ku Sugan.

$
0
0

FaaraxWasiirka Madaxtooyada dowlada Federaaalka ah Farax Cabdulqaadir ayaa Maalmahan ku sugnaa  magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia.

Mudane Faarax C/qaadir ayaa  la kulmey Raisal wasaare Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkiisa arrimaha dibada isagoo u gudbiyey waraaq uu uga wadey Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waqtigaan waxaa aad u xun xiriirka ay la leedahay wadamada dariska la ah gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya. Xiriirka wadanka Ethiopia iyo dowlada Federaalka ayaa maraya heerkiisa uga hooseeyey kadib markii dowlada Xasan Shiikh qayb ka noqotey khilaafka wabiga Nile ee u dhexeeya wadanka Masar iyo Ethiopia iyadoo dhowaan booqdeen Muqdishu saraakiil ciidamada ah kuwaasoo ka socdey Madaxweyne Maxamad Morsi.

Saraakiishaan ayaa la sheegey iney tababareyso ciidamada Somalia xili AMISOM gacanta ku hayso amaanka inta badan Koonfurta Somalia.

Dhinaca kale dowlada Kenya ayaa aad uga xun sida dowlada Xasan Shiikh u maamushey arrimaha Jubooyinka taasoo Jihada ka leexisay dagaalkii lagula jirey Al-Shabaab iyadoo kooxaha argagixisada falal ka fuliyaan wayadaan dame xuduudka labada dal.

Farax Cabdulqaadir ayaa wararka Sheegayaan in qoraalka uu gudbiyey sharaxayey mowqifka dowlada Federaalka ah ee ku aadan khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Masar.

Wasiirka Madaxtooyada oo ah ninka ugu tunka weyn xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa horey saraakiishaan ka socotey wadanka Masar ugu soo dhoweeyey garoonka diyaardaha Muqdisho.

Ethiopia iyo Kenya ayaa wadanka Somalia waxaa ka jooga ciidamo xoogan kuwaasoo muhiim u ah jiritaan dowlada Xasan Shiikh.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles