Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Maamulka Jubbaland oo Bilaabaya Howlgal ka Dhanka Ah Ururka Al-Shabaab.

$
0
0

ooooooMaamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)  Madaxweynaha ka Yahaya ayaa sheegay in uu billaabi doono howlgallo lagu xoreynayo deegaannada ay kooxda Al-Shabaab wali gacanta ku heyso ee gobollada Jubbooyinka.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)  oo ah ku xigeenka  Axmed Madoobe  ayaa ku dhawaaqay in maamulkooda uu diyaarinayo qorshe ku aaddan dib ula wareegidda magaalooyinka iyo deegaannada gacantooda ka maqan.

Fartaag oo hadalkan ka sheegay shir maanta Kismaayo ka dhacay ayaa ku boorriyey ciidamada maamulka in ay u diyaar garoobaan ka qeybgalka howlgalkaas.

Shirkaas oo socon maalin keliya waxaa looga hadlayaa sidii loo dhameystiri lahaa qeybaha ka dhiman maamulka Jubbaland sida golaha wasiirrada iyo baarlamaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles