Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay xalay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ku yaal gudaha magaalada, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan dhaca.
Sida ay sheegayaan wararka Xoogaga Shabaab ayaa weeraray Saldhig ku yaal Xaafada Cunaaye oo ka mid ah xaafadaha Baydhabo, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo Ciidamo madani oo suga ammaanka xaafadaha.
Dagaalka labada dhinac ku dhex maray halkaas ayaa socday muddo saacad ku dhow, waxaana hubka la isu adeegsanayay ahaa mid guud ahaan laga maqlay magaalada oo dhan, kaasoo khal khal geliyay shacabka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid mudooyinkanaanu soo marin, isla markaana dadka ay dhulka xabadka dhigteen markii ay xoogeysatay hubka iyo rasaasta.
Saddex ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka, kuwaasoo la dhigay isbitaalka magaalada, sidoo kale waxaa la ogeyn tirada dhimasho ee labada dhinac kala gaartay, maadaama xilli saq dhexe ay aheyd, dadkuna ay hurdayeen.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo kan degmada, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii u horeeyay oo gudaha magaalada ka dhaco tan iyo markii labo bil ka hor la soo magacaabay maamulka cusub ee Bay.
Magaalada Baydhabo aya waxaa ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada AMISOM oo qorsheynaya inay magaalada si tartiib ugala wareegeen, waxaana gacanta dowladda Soomaaliya ay soo gashay sanadkii 2012, xilligaasoo Ciidamada Itoobiya oo taageeraya kuwa dowladda ay ka saareen Al-Shabaab.