Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisi ayaa goor dhawayd dib ugu laabtay magaalada Kismaayo iyadoo halkaa ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiin katirsan Dowlad goboleedka Jubbaland.
Wafdiga ayaa dhowrkii Maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi waxayna intii ay joogeen magaalada Nairobi la kulmeen ergayga gaarka ee qaramada midoobay u qaabilsan somalia Nicholas Kay, qaar kamida safaaradaha reer galbeedka, masuuliyiin katirsan dalka Kenya, qaar kamida xildhibaanada gobolka waqooyi Bari Kenya, wafdigii Puntland iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxda Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa hortaala arimo culus oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulsho.
Arimaha horyaala waxaa kamida dhameystirka xukuumada DG Jubbaland oo la faliyo in maalmaha nagu soo aadan lagu dhameystiro,xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.