Afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 ruuxna dhaawacyo ayaa soo gaaray dab qabsaday Kaamka Ajuuraan ee duleedka magaalada Garowe oo ay deganyihiin barakacayaasha Koonfurta dalka ka yimid.
Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garowe Qaasim Maxamed Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dabkan khasaaraha nafeed sababay iyo basbeelka ilaa 180 guri oo cooshado iyo kartoono ka samaysnaa.
Waxa uu sheegay in Dabaysha xiliga xagaaga dhacda ay qayb ka tahay dabkan inuu fido ,waxana dhaawacyada la gaarsiiyay Isbitalka guud ee magaalada Garowe oo lagu dabiibayo.
Gurmad ayaa mid ka mida ururada maxaliga ah soo gaarsiiyay oo biyo iyo cunto iskugu jira dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkan,waxana uu raaciyay Qaasim in kulan lagu balansanyahay dowladda dhexe ,maamulka gobolka ,hayadaha caalamiga ,kuwa maxaliga ah iyo bulshada kaasi oo looga tashanayo sidii loogu fidin lahaa gacan dhaqaale dadkan.
Xalay ayaa Kaamka Mustaqbal ee magaalada Bossaso waxa sidan oo kale dab qabsaday guryaha barakacayaasha waxa ku baaba’ay guryo kor u dhaafayay 150.