Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, iyadoo ay socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka jira magaalada, kadib dagaal dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay bartamaha magaalada.
Inkastoo xiisada ka taagan magaalada ay aheyd mid tan iyo shalay jirtay, ayaa hadana waxaa soconaya dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada.
Ciidamada AMISOM ayaa ciidamo u daad-gureeyay bartamaha magaalada ee uu dagaalka ka dhacay, si ay u kala dhex galaan dhinacyada magaalada ku dagaalamay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaalada ay wadaan abaabulo, waxaana ay qoryaha daran dooriga ay kala saarteen daaraha magaalada, taasoo keentay in magaalada ay gasho cabsi hor leh.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa todobo ruux oo qaar ka mid ah ay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay.
Muranka siyaasadeed ee ka taagan Kismaayo iyo is qab qabsiga maamulka magaalada ayaa ahaa mid ku dhisnaa dano iyo dhaqaale, kaasoo gacmo fara badan ay ku lug leeyihiin.