Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar Maax ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi inuu ku lug leeyahay xaalada ka taagan magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay inuu hubeynayo Al-Shabaab.
C/naasir Seeraar oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dad fidnawadayaal ay ka dambeeyaan rabshadaha ka dhacay Kismaayo, waxaana uu ku hanjabay inay maanta ay is raacinayaan waxyaabaha ka haray.
“Xooga rabshado ayaa ka dhacay magaalada, waxaa mas’uuliyadeeda lahaa nimankii xamar laga soo diray, waxay qash qashaad ku sameeyeen nabada, waa kooxo nabadiid ah, ciidanka nabadgelyada ayaa ka hortagay wixii dhiman maanta ayaa la is raacinayaa”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Mr Seeraar ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay mas’uul ka tahay wixii ka dhacay magaalada, isagoo ku eedeeyay in Wasiirka gaashaandhiga uu qaadayo mas’uuliyada.
“Ninkan isku magacaabay wasiirka gaashaandhiga ayaa qaadaya mas’uuliyada iyo cida soo diray, umana dulqaadanaya, in sideed bilood ka hor oo cadawgii Shabaab halkaan ka saarnay in magaalada lagu soo celiyo, fiqi ninka la yiraahdo ma u dulqaadan doono waxa uu ka wado Kismaayo, fara gelin ma ogolin iyo daan-daansi”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo ayaa imaanaya, iyadoo shalay magaalada dagaalo ku dhex mareen maleeshiyaad kala taabacsan madaxweynayaal is magacaabay oo markii hore isku hayay maamulka magaalada.